• Laacibkii Hore ee Xulka qaranka iyo Naadiga Horseed oo xaflad soo dhawayn ah loo gusameeyay Magaalada London

 

Waxaa Bishan febraayo 13 galbeedka magaalada London lagu qabtey casho xaflad sharaf soo dhaweyn ah oo loo sameeyey cayaaryahan kii hore naadiga Horseed iyo xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga Bile Warsame Dhoore.


Bile oo ku nool wadanka Canada ayaa safarkiisa waxaa qayb ka ah in uu gaaro wadanka Soomaliya isagoo doonaya inuu gacan ka siiyo hor u marinta isboortiga guud ahaan, qaasatan kubadda koleygaoo uu doonayo in uu soo nooleeyo horumarinat kubada kolayga ee gobolada dalka gaar ahaan mamul gobeleedka Galmudug.


Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin, ciyaartoy iyo marti sharaf kale, ayay masiiyiinyii ka soo qaybgashay Bile ugu hambalyeeyeen , dadalka isboortiga ee uu ka wado cayaryahan kuna dhiiri geliyey in ay gacan kangeesan donaan howsha adag uu kujiro..
Bile ayaa u ka mahd celiyay soo dhaweynta balaan ee loo fidiyay, isla markaana waxuu Bile intaa kudaray in uu ku talo jiro in sanadkan cayaaraha bariga iyo bartamaha africa ee ka dhici doono Bisha May Magaalada Dar es Salam e ciyaarah Caasiamdadaha in magaalo ka Socoto maamul gobeleedka Galmudug ay ka qeyb geli doonaan.


Eng Baana Cali oo isagu ka mid ah guddiga fulinta cayaaraha magaalooyinka ee bariga iyo bartamaha Afrika oo xalfladan ku sugnaa ayaa sheegey in aad ugu farahsan yahey in isboortiga laga hormariyo isla markaana uu ku taageeri doono Ka soo qeybgalka cayaaraha magaalooyinka, magaalo kasta oo soomaali ah, Madaama magaca uu jku taagan yahay uu yahay magac Soomaaliyeed.


Gudoomiye Ku xigeenka XSKK Haawo Sheikh (Xaawo Taako)) oo xaflada ku sugnayd Ayaa iyadana dhankeed soo dhaweysey howl galada uu Bile ka sameyn doono Mudug, kuna dhiiro gelisey ka qeyb galka cayaaryaha magaalooyinka isla markaana ay sheegtey in magaalo kasta oo ka qeyb geli karta ay la soo xiriiraan XSKK si loogu sameeyo warqada ogolaashaha.
Waxaa kaloo iyadana kelmado gaaban ka soo jeediyey wasiirka isboortiga Mohamed Abdulahi Nuux oo wada tel kula soo xiriirey in aad ugu farxan yahey waxqabadka iyo dadaalka at qurbojoogtda ka geystaan horumarinta isboortiga kuna dhiiro geliyey in ay dadaalka halkas ka sii wadan.


Ciyaartoy Badan oo xiratay Maaliyada xulka qaranka Soomaaliya e kubada kolayga ayaa horay uga soo baxay gobolda dalka, waxayna tani ku soo beegmaysaa Xilin guddoomiyaha XSKK Cabdullahi Nuur Maxamed Cadaani uu todoobaadki hore ka dhawaajiyay inj magaalo kasta oo soomaali ah laga doonayo in ay soo saarto ciyaartoy dalka iyo dadka anfaca.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: hadaafoow7@gmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line