• Kooxda Midnimo oo ku guulaysatay koobkii Somaliweek Minnesota 2012

     

 

Kooxda kubadda cagta ee Midnimo ayaa si xarago leh ugu guulaysatay koobkii loogu magac daray toddobaadka Soomaalida iyo Ameerica (Somali/American independence days tournment) oo 10kii maalmood oo aynu ka soo gudubnay si xiiso badan uga socday garoonka kubadda cagta ee lagu magacaabo James Griffin Stadium,ka dib markii cayaartoodii kama dambaysta ahayd ay 1 iyo 0 uga adkaadeen kooxda Boston oo iyagu horay u haystay koobkaasi.

Labadan kooxood ayaa ciyaarahoodii semifinalka waxaa ay ka soo kala adkaadeen kooxaha Edenpraire iyo TC Stars. Kooxda Midnimo ayaa iyadu ciyaartii semifinalka waxaa ay 1 iyo 0 oo Rigoore ahaa ay kaga adkaadeen kooxda Edenpraire, kaasoo daqiiqadihii ugu dambeeyay uu u saxiixay ciyaaryahankooda khadka dhexe Cali Baaskuwaale. Kooxda Boston ayaa iyaduna 2 gool iyo 0 ku reebtay kooxda TC stars oo iyagu ka mid ahaa kooxaha looga cabsi qabay hanashada koobkan isaga ah,waxaana kooxda Boston labadaasi gool u kala saxiixay Ciyaaryahankii sitay lambarka 17aad iyo lambarka 7aad oo uu sitay inanka ay ugu yeeraan Majid Cabdalla.

Haddaba ciyaartii finalka oo ahayd mid ay dadweynuhu si aad u sugayeen ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis ay isku qaadayeen labada kooxood,waxaana daqiiqaddii 39aad ee cayaarta qaybteedii hore helay laad toos ah xerada ganaaxa afkeeda, kaasoo ciyaaryahan Cali Baaskuwaale uu shabaqa ku hubsaday, cayaartiina waxaa ay noqotay 1 iyo 0.

Qaybtii dambe ee cayaarta oo aad la isugu xiiqay ayaysan labada kooxoodba u suurogalin inay wax goolal ah keensadaan, cayaartiina waxaa ay ku soo gabagabowday 1 gool oo ay guushu ku raacday Kooxda Midnimo.

Tababaraha kooxda Midnimo Cabdullahi Xasan oo aan garoonka kula kulmay guushoodii ka dib ayaa ii sheegay in kooxda Midnimo ay diyaargarow dheer u soo gashay hanashada koobkan isaga ah, waxaana uu sheegay in kooxdiisa ay ku jiraan dhallinyaro yaryar oo mustaqbal wanaagsan ku leh cayaarta K/cagta.

ciyaarahaasi waxaa si wanaagsan u garsoorayay garsoorayaashii kala ahaa:Tariq Aouche iyo Bedreddine Zonad oo ka soo jeeday wadaankaasi Saaxil Marocco.

Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota iyo halgamayaashii isboortiga oo goobta ku sugnaa ayaa iyagu u mahadceliyay kooxdii tartanka ku guulaysatay iyo guud ahaanba kooxihii tartanka ka soo qaybgalay.

Guddoomiye Cabdi Cali oo isagu munaasabadda soo gunaanaday ayaa ka warramay ujeedada tartamadan oo ah in la dareensiiyo dhallinyarada maalmahooda xuriyadda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray in la helo qaran Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed kaga aadan horumarinta dalkooda oo dagaalo ahli ay ay la dageen. Ugu dambayntiina waxaa uu ammaan ballaaran u soo jeediyay Maamulkii isboortiga ee hawshan waday iyo intii ka soo shaqaysay barnaamijkan inuu noqdo mid lagu najaxo.

Waxaa iyaduna halkaasi ka hadashay Karen Clark oo ahayd wakiil gobolka Minnesota, waxaa iyaguna goobta ku sugnaa wakiilka xafiiska Senatorada gobolka ee jaaliyadda soomaalida Mr siyaad iyo Mr warfaa oo isaguna loolanka siyaasadda gobolka wax uga jira

Dabadeed waxaa halkaasi lagu bixiyay abaalmarinadii oo loo kala helay sidan:

-Kaalinta 1aad ...Kooxda Midnimo.... waxaana abaalmarinta bixiyay guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin.

-Kaalinta 2aad....Kooxda Boston....Waxaana abaalmarinta bixiyay Rug caddaa isboorti, macallinkii xulka qaranka K/cagta Macallimuu Ibraahim Suudaani.

-Kooxdii ugu wanaagsanayd (Best tournment team)waxaa loo gartay kooxda Texas Tigers oo uu ka muuqday diyaargarow aad u sarreeyay oo rigoorayaal ay ku hareen,waxaana abaalmarinta guddoonsiiyay rug caddaa isboorti,Macallin/Garsoore caalami FIFA, Maxamed Xasan Qolof.

-MVP(Most Valuable Player) oo uu ku guulaystay ciyaaryahan Majid Cabdalla oo ka socday kooxda Boston ,waxaana abaalmarinta guddoonsiiyay Rug caddaa Isboorti,Macallinkii gobolka Jubadda Hoose Macallin Cabdulqaadir Qariindi.

-Goolhayihii ugu wanaagsanaa intuu tartanku socday(Best Goalkeeper) waxaa loo gartay Zakariya Jeilani oo ka socday kooxda Texas Tigers. waxaana abaalmarinta guddoonsiiyay Sahro oo ka mid ah gabdhaha sida aadka ah u taakuleeya dhallinta yaryar ee naadiga Sayec.

-Abaalmarinta hoggaanka wanaagsan(Leadership Award),waxaa la siiyay kooxda Boston... waxaana abaalmarinta guddoonsiiyay Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed.

-Waxaa iyaduna halkaasi dhallinyarada yaryar ee K/cagta ee naadiga Sayec ay shahaado sharaf halkaasi ku guddoonsiiyeen Sahro waxqabadkeedii iyo taakulaynta ay had iyo jeer la daba taagan tahay caruurta Soomaaliyeed, iyaga oo halkaasi uga soo jeediyay erayo mahadnaq ahaa.

N.B: waxaa iyaguna cayaarahaasi garab socday cayaaro ay ka qayb qaadanayeen cayaartooyda K/cagta naadiga Sayec oo lahaa d'a kala duwan sida: 18jirada,14 jirada iyo 10 jirada iyo kubadda koleyga oo ay ka qaybqaateen 2 kooxood oo yaryar...sidoo kalena waxaa halkaasi ka dhacay cayaaraha fudud iyo jawaanada lagu ordayo oo dhallinta yaryar ay soo bandhigeen...Dhanka madadaalada waxaa iyaduna halkaasi joogtay oo wacdaro ka muujisay fanaanadii Nimco dareen.

Sidoo kalena wariyaha caanka ah ee Somali Media iyo Universal TV iyo saaxiibkiisa ayaa iyaguna galab kasta halkaasi dadweynaha kala soconsiin jiray cayaarahaasi.

By Shiikha




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line