• HALYEEYO ISBOORTI OO KAALINTOODA KA SOO DHALAALAY

     

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta waxaa xilkiisa ugu weyn ka mid ah in uu diyaariyo Tartamadda Gudaha iyo ka qeyb galka Ciyaaraha Dibadda,waxa kaloo waajibaadkiisa ka mid ah in dhalaanka soo korayaao lagu abaabiyo Isboortiga gaar ahaan Kubadda Cagta si loo gaaro fulinta qorshooyinka hore loo qondeeyey,waxaana moodaa in Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta uu ku guuleystay ka gun gaaridda hadafyadii hore loo qorsheeyey,waxa kaloo Xiriirka uu ku dhiiraday in loo qabto aqoon kororsi ku saabsan Maamulka iyo Maareynta,Garsoorayaasha Kubadda Cagta.

Tababarayaasha Kubadda cagta oo ay daruus ka bixinayeen Khubaro ka socota FIFA,kuwaa oo qeyb weyn ka qaadan doono kor u qaadida xirfadaha kala duwan ee maamuladda hoos yimaado Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed.
Shirar badan uu Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta uu yeeshay loogana doodaayey qodobo lagu hormarinaayo qeybaha kala duwan ee Xiriirka,ayaa waxa doodahaasi ka mid ahaa sidii dadaalka Xiriirka uu ku jiro looga qeyb gelin lahaa Halyeeyadii Isboortiga Soomaaliyeed Guud ahaan Magaca iyo Maamuskaba ku lahaa gaar ahaan Kubadda Cagta,kuwaaso la isla gartay in ay qeyb aad u weyn ka qaadan karaan si hormarinta qeybaha kala duwan ee Xiriirka.


Iyadoo hadaba diiradda la saaraayo ahmiyadda ay leedahay soo uruurinnta Halyeeyadii hore ee Kubadda cagta ayaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta waxa uu magacaabay Aqonyahano hore uga tirsanaa Xulkii Qaranka ee Kubadda Cagta Soomaaliyeed in ay kala shaqeeyaan Xiriieka Soomaaliyeed taaba gelinta qorshayaasha Isboorti ee hore loo dejiyey.waxaana Dalka Mareykanka loo magacaabay in ay Wakiilo u noqdaan Halyeeyadda soo socda.
1)Aweys Muse Arbow(Aweys Fundi)..........Kooxdii Horseed iyo Xulka Qaranka Kubadda Cagta.
2)Khaliif Shire Muse (Khaliif Riiko)..........Kooxda Kubadda Cagta ee badda iyo Xulka Qaranka.
3)Cabdicasiis Axmed Mahdi ...........Kooxdii Kubadda cagta ee Muqdishu iyo Xulkii Qaranka.
Kooxda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxa ay waqti xaadirkaan ka qeyb galayaan tartan Kubadda Cagta oo caalami ah oo ay ka soo qeyb galayaan kooxo kala duwan ee qaaradda Afrika ah,taa oo runti sumcad u ah Qaranka Soomaaliyeed,waxaana la isla gartay in Ciyaartoy ku fiican Kubadda Cagta laga uruuriyo Dalka Mareykanka loona dirro Magaaladda Kambala oo Caasimadda Dalka Ugandha si ay ugu biiraan Kooxda Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliyeed,waxaana arrintaa dadaalkeeda iska leh Wakiiladda Xiriirka Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka kuwaa oo muujiyey talaabo geesinimo leh ayna ku dheehantahay wadaninimo,ka dib markii ay ka taakuleeyeen Ciyaartoydaasi dhaqaalihii ay ku dhoofi lahaayeen iyo waxi agab ah ah ay u baahan yihiin,arrintaa oo ah mid taarikhda u geli doonta Wakiiladaan sedexda ah,annago ku boorineyna in lagaga daydo shucuurtaasi qaali ah.
waxa sidoo kale Wakiiladda ay u mahadcelinayaa Halyeeyo badan oo Isboortiga Soomaaliyeed qiimo ku leh oo ka qeyb galay dhaqaale bixinta,kuwaa oo mudan in iyagana loo mahadceliyo,waxayna kala yihiin.
Dr. Cali Cusmaan Cali,Caydiid Jeentyo,Axmed Weli,Bashiir Geele,Nuune oo Batroolka u Ciyaari Jiray,Marwo Geeni,Feysal Khaldaan,Eega oo ka socday Tennesse,Cusmaan Baaldi,Cabdulqaadir Madaxey,Maxamuud Ciise,Cabdulqaadir Shiikha,Aamaan iyo Cabdirisaaq Marshaale.
Ugu dambeytii mudane Cabdicasiis Axmed Mahdi isagoo ku hadlaayo magaca Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo Magaca Wakiiladda ayuu mahad ballaaran u jeedinayaa bahda Isboortiga ee kor ku xusan kuwaa uu muujiyey shucuur Isboortinimo iyo Soomalinimo,waxaana uu si gaar ah mahad aan la koobi kari u jeedinayaa labada dhalinyaro oo kala Cabdi Shukri iyo Jaamac Buluu oo runtii qeyb libaax ka qaatay iyagoo suurtageliyey in lagu guuleysto in Ciyaartoydaasi ay ka qeyb galaan Tartankaasi,waxaana labaadasi dhalinyarado ku boorinayaa in ay halkooda ka sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan in uu Isboortiga Soomaaliyeed Guuleysto iyadoo ay Taarikhda xusi doonto.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line