• Reerr Howl Wadaag Oo Xaflad U Sameeyay Axmed Muuse & Shiino Guhaad

Waxaa magaalada Toronto Casho sharaf loogu qabtay Xiddigii hore ee kooxda kubadda koleyga Batroolka iyo xulka qaranka Axmed Muuse iyo shiino Guhaad oo ahaa tababarihii xulka qaranka k/Koleyga Gabdhaha iyo kooxda Enji.

Xafladan ayaa waxaa si qurxoon u soo qaban qaabiyay bahweynta sportiga ee reer Howl Wadaag, oo ay hogaaminayeen Xalimo Xareer, Ruqiyo Cismaan.

Cashadii kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah dadkii halkaasi isugu yimid.

Ugu dambeyntii waxaa hadalka qabsaday Mudane Shiino Guhaad iyo Axmed Muuse oo iyagnua si weyn ugu mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay xafladan iyo weliba dadkii soo qaban qaabiyay.

Dadkii ka soo qeybgalay xafladan ayaa waxaa ka mid ahaa: Saciido Wariiri, Xawo Hilowle, Xabiibo Xaayow, Shamso Diiriye, Luul, Macallim Khaliif, Mukhtar Cuti, Saciid Faarax Du'cale Xoghayaha XSKK, Cabdirashid Bakin ku xigeenka Gudoomiyaha XSKC, Eng. Cabdisamed Sh. Qasim, Xassan Xarbi, Oday Mursal, Cantar Jeenyo, Cabdirahman Salax "Matite", Cabdirsaaq Mara Yare, Axmed Tuke, Cabdifataax Mara yare, Cabdirisaaq, Nuuraye, Xasan Kabo Galaas, Due, Muuse Abtiga iyo qaar kala oo tiro badan

W/D Mohamed Busuri

Sawir Qaade: Mohamed Ganey

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line