• Agaasime Aweys "Waxaa la joogo Xilligii Muqdisho lagu qaban lahaa Ciyaaraha Gobolada"

     

Agaasime Aweys Xadaad oo kulan la qaatay Bahda Isboortiga London, Sheegayna in la joogo Xilligii Muqdisho lagu qaban lahaa Ciyaaraha Gobolada, lana xisaabtami lahaa G.O.S & XSKC

Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhaliyarada, Isboortiga, Shaqada, iyo Shaqaalaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Aweys Sheekh Xadaad ayaa kulan balaaran la qaatay Jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada London ka dib Safar gaaban oo ku yimid dalka Britian.

Aweys Sheekh Xadaad ayaa Bahda Isboortiga dalka Britian ugu warbixiyay wax qabadka Wasaarada Isboortiga, asigoona halkaasi kusoo bandhigay qorshooyinka ee wasaarada isboortiga damacsan tahay Waqtiyada soo aadan.

Kulanka uu Agaasimaha Guud la qaatay Bahda Isboortiga dalka Britian ayaa waxaa goob joog ka ahaa, Lataliyaha Wasaarada Isboortiga Dowlada KMG ee Soomaaliya, Eng Baana Abdalla Ali, Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaarada Maaliyada Mukhtaar Shuute , Guddoomiye kuxigeenkii Xiriirka Soomaaliyeed Kubada Cagta Axmed Nuur, iyo xubno kale oo ka tirsab bahda Isboortiga.

Aweys Sheekh Xadaad waxa uu kulankaasi ku faah faahiyay Wax qabadka Wasaaradiisa iyo Qorshaha Wasaarada Isboortiga ee la xariira Qabsoomida Ciyaaraha gobolada Dalka Soomaaliya, asigoona jaaliyadaha kala gedisan ee ku nool Caalamka ka codsaday in ay gacan ka geystaan, isla markaana wasaarada ku taageeraan qabsoomida Ciyaaraha Gobolada.

"Waxaan u Mahad celinayaa Maamulka Puntland oo marti geliyay ciyaarihii Gobolada, balse xilligaan waxaa la gaaray xilligii Muqdisho lagu qaban lahaa Ciyaaraha Gobolada Dalka Soomaaliya" Ayuu yiri Aweys Sheekh Xadaad.

Agaasimaha Wasaarda Isboortiga oo Kulankaasi ka dib la hadlay Saxaafada ayaa waxa uu ka hadlay Arrimo dhowr ah oo la xariira Shaqooyinka Wasaarada, Xiriirka kala dhaxeeya G.O.S, Ururada kale ee Isboortiga iyo Waliba Qeybaha Diasparada.

Xadaad waxa uu sheegay in dhawaan ay meel mariyeen Qorshe ay Wasaarada u dajisay dhalinyarada Soomaaliya, asigoona dhinaca kale xusay in xilliga soo socda ay Golaha Wasiirada Dowlada KMG meel marin doonaan Qorshe ay u dajisay in ay kula shaqeeso Guddiga Olompikada Soomaalieed ee G.O.S.

Waxa uu sidoo kale faah faahin ka bixiyay wada shaqeynta xilligaan Wasaaradiisa ay kala dhaxeeso Guddiga Olompikada Soomaaliyeed ee G.O.S oo iyadu had iyo jeer sheegata in ay ka madax banaan tahay Wasaarada Isboortiga.

"G.O.S waxa ay ka tirsan tahay 9-ga Guddi ee Qaran, ee dastuurka qoraya in dib u dhis iyo dib u habeyn lagu sameeyo, sharci ahaana waxa ay hoos yimaadaan Wasaarada Isboortiga, balse waxa ay u madaxbanaan yihiin howlahooda kale ee shaqo iyagoo fasax ka qaadanaya Wasaarada Isboortiga" Ayuu yiri Aweys Xadaad.

Agaasimaha Wasaarada Isboortiga waxa uu dhinaca kale faah faahin ka bixiyay Warqad ee Guddiga Olompikada Aduunka kal hore soo saartay taasi oo siyaabo kala gedisan loo fasiray, asigoona sheegay in Guddiga Olompikada Aduunka ay garowsan tahay in G.O.S ay hoos timado Wasaarada Isboortiga isla markaana ay la xisaabtanto G.O.S Maadaama ay soo qaadato buu yiri lacago loogu tala galay Qaranka.

"Hadii ay G.O.S ka madax banaan tahay Wasaarada Isboortiga waxa ay la mid Noqoneesaa Shirkadaha Xawaaladaha oo kale sida Dahabshiil iyo Qaran oo kale, waxa ayna waaynayaan garoomada Isboortiga iyo Tasiilaada kale ee loo sameeyo" Ayuu yiri

Dhinaca kale Mar uu ka hadlaayay Bur burka Garoomada kala gedisan ee isboortiga kuwooda ku yaal Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya, Ayuu sheegay in Wasaarada ay qorsheeneeso dib u dhiska Garoomadaasi, dhawaanna ay geysay Ingineero dhismooyinkaasi ka qeyb qaadanaya, asigoona carabka ku dhiftay in Dowladaha Turkiga iyo Iran ee gacan ka geysaneeso dhismaha Garoomada isboortiga.

Mar uu ka hadlay Lacaga ay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta iyo GOS ay kusoo qaateen dhismooyinka garoomada Kubada Cagta ee Koonis Stadium, Kan Puntland iyo Kan Galmudug, ayuu sheegay in ay jiri doonto xisaabtan dhex mari doonta Wasaarada, GOS, iyo XSKC.

"Nin gurigaaga kuugu yimid oo waa dhisanaa ku dhahay waa wax lagu qosla, Garoomada waxaa is kale wasaarada, iyada ayaana dhisaneeso, waana nasiib darro in Xiirir dhaho anaa garoon dhisaayo, balse waxaa jiri doonta Xisaabtan" Ayuu yiri.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Dowlada KMG ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay diyaar u tahay sixida qalad waliba oo ka dhex jira isboortiga, asigoona dhinaca kale sheegay in G.O.S ee dhankeeda qirteen in uu ka dhex dhacay waxyaabo qaladaad ah ayna cudur daar ka bixiyeen Arrinkaasi.

Wasaarada Isboortiga Ayuu sheegay in ay la shaqeeneeso cid waliba oo hormarineesa Isboortiga Soomaaliyeed, asigoona dhinaca kale xusay in aysan jirin wax lagu diido Guddi isboorti oo ka dhisan Magaalada Muqdisho kaasi oo qabta tartamo lagu dhiiri gelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada Isboortiga Shaqada Iyo Shaqaalaha Dowlada Federalka KMG ee Soomaaliya Aweys Sheekh Xadaad waxa uu sheegay in Wasaaradiisa ay goob joog ka noqoneeso Doorashooyinka G.O.S si ay u dhacdo buu yiri doorasho xalaal ah.

Waxa uu ugu baaqay bahda Isboortiga qeybahooda kala gedisan meel waliba oo ay dacalada Aduunka kaga sugan yihin in ay la shaqeeyaan Wasaarada, wax waliba oo ay tabanayaan ay kala soo xariiraan Wasaarada, isla markaana si guud loogu wada shaqeeyo hormarinta Isboortiga Soomaaliyeed.

W/D. Salah Hassan Omer [Salah Dheere].
Email: s.dheere@hotmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line