• Sii Dhaweyntii Axmed Muuse

     

 

Bahwentya kubada koleyga ee Toronto ayaa xaflad heer sare ah u sameeyay xiddigii hore ee kooxda Batroolka iyo xulka qaranka Axmed Muuse iyo Shukri Maxamed Nur

"Shukri Dhal baas" oo u ciyaari jirtay kooxaha Waxol iyo Muqdisho

Istar Restauran oo lagu qabtay xafladan ayaa waxaa aad u soo camiray dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira Macalimiin, ciyaartooy iyo taagereyaal.

Xafladan affurka kadib ayaa waxaa halkaasi ereyo kooban ka soo jeediyay qaar ka mid ah dadkii ka soo qeybgalay.

Ugu dambeyntii waxaa ereyo mahadcelin iyo dar daaran isugu jira halkaasi ka soo jeediyay Axmed Muuse.

Shukri ayaa iyaduna sidoo kale u mahadcelisay dadkii soo qaban qaabiyay Afurkan iyo dhamaan dadkii ka soo qeyb qaatay.

Shukri waa hooyadii Nawal Ali oo ka mid ahayd ciyaartooydii xulka qaranka kubadda kolegya ee ka qeyb galay tartankii Jaamacadaha Carabta ee lagu qabtay Qadar

Haddana maalinta xigta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Toronto isugu yimid qaar ka mid bahwenta sportiga, si ay u sii dhaweyaan Axmed Muuse oo ku sii socday wadkan Jarmalk ee u degan yahay.

Sii dhaweyntii Axmed Muuse oo maqal iyo muuqaal ah halka sare ka daawo

W/D Mohamed Busuri

Film/Sawir Qaade Mohamed Ganey

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line