• Abramovich oo raadinayey Ancelotti & Manchester Utd oo daba taagan Hazard

Sida laga soo xigtay Daily Mail Madaxa kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa bishii November la xiriiray Carlo Anceloti isagoo doonaayey inuu
shaqada ka ceyriyo Mourinho kuna beddelo Ancelotti.

Ancelotti ayaa arrintaasi diiday, taasina waxay keentay inuu Mourinho si joogo Chelsea ilaa iyo December 17, 2015.

Sidoo kale Carlo Ancelotti waxaa raadinaayey kooxaha Man. United iyo Arsenal, hase yeshee Ancelotti wuxuu xushay Bayern Munich isagoo beddeli doona Pep Guardiola
bisha June, 2016.

Hazard Inkastoo xil ciyareedkani Eden Hazard uusan muujin ciyaar lala dhacay haddana waxaa tartan ugu jira dhowr kooxood sida Real Madrid, Psg, iyo Arsenal.

Man. United ayaa iyaduna Hazard u ballan qaaday iney siin doonto 250 kun Starliin (british pound) todobaadkiiba haddii u ogolaado inuu heshiis la galo kooxdan.

Man. United oo markii hore aad u raadineysay Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo ayaa haddeer ka quusatay labadan ciyaartooy, iyagoo u muuqda in aaney ka tagi doonin Real Madrid.

Waxaa la filyaa in Didier Drogba uu goor dhow ku soo laaban doono Chelsea kana mid noqon doono Madaxda kooxda

Arrintani ayaa Chelsea u sahlin kartaa iney Hazard ku qanciso inuu la sii joogo kol haddii ay aad saaxibo u yihiin Drogba

W/D Mohamed Busuri



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line