• Arsenal oo Anderey Arshavin u furdaamisey Zenit St Petersburg Ama'ahaan

London Feb-6-2011-xiddigaha.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku jaleeceynaa xiddigii reer Raashiya Anderey Arshavin oo Arsenal u musaafurisey amaa'ahaan kooxdiisii hore ee Zenit St Petersburg
Alaaba laacibiinta ku soo biira kooxaha waaweyn ee cariga Ingiriiska ama haka yimaadeyn Afrika,Asia,latiin Ameerika,iyo Yurub ayaa waxaad arkeysa markiiba qaar la qabsada iyo kuwa ku ciyaar guura.
Laacibkan Andrey Arshavin ayaa ah sababta loogu furdaamiyey kooxdiisii hore isaga oo ku ciyaar guurey kooxda Arsenal oo aan kaba soo xaadarin intii mudda ah 11-ka- ciyaaryahan ee soo gala garoonka wuxuuna ku qonbobey kursiga keydka
heshiiska uu saxiixay xidigan u dhashay dalka Russia ayaa dhigaya inuu isaga tago kooxda marka la gaaro bisha July dibna ugu laabto Arsenal.

Arshavin oo 30-on-jir ah ayaa horyaalkan hadda ka socda Ingiriiska kooxdiisa Arsenal u saftey 20-tan ciyaarood wuxuuna dhaliyey hal gool oo kaliya,taageerayaasha reer Arsenal ee bilaamiyirka ah ayaa ugu yeedha laacibkan waa ismalure aan kala jecleyn haddii ay kooxdu badiso iyo haddii kalba.
Andery Arshavin oo u saftey Arsenal 98 kulan, kuna soo biirey 2009 wuxuu dhaliyey 23- Gool ,laakiin waxaa lagu xasuustaa kulan ay wada ciyaareen kooxda Liverpool April 2009-kii waxayna uga badiyeen 4- iyo Eber isagaana ka wada dhaliyey,waxaana laga yaaba inuu ku soo noqdo Arsenal July-da foodda inagu soo haysa.

W/D-Jaahuur-Ottawa
xiddigaha.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line