• C/Rashid Bakin Oo Eed Kulul Dusha Ka Saaray Xoghayaha X S K C

     

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya,C/rashiid xaaji Bakiin ayaa ka hadley arinka xiriirka CAF ay Xulka Junyerska 17-jirada kaga qaadeen dhibcihii kulankii isreeb-reebka CAF oo ay Sudan kaga soo badiyeen gurigoodii.

Bakin ayaa sheegay in arinkaasi uu yahay guul daro weyn iyo niyad jab soo wajahdey guud ahaan Soomaalida iyo xiriirka kubadda cagta oo uu sheegey in taladiisu shaqsi keliya isku koobay oo aysan jirin cid lala tashanayo iyo go'aano loo dhanyahay midna.

"Khasaaraha halkaasi ka dhacay waxaa sabab u ah xiriirkii kubadda cagta ee magaca Soomaaliya oo dhan ay wadaagtey oo shaqsi gooni ah uu isku koobay, waxaa la heli karay ciyaaryahano da'yar oo aad u wanaagsan tusaale waxaa u ah in ciyaarihii Garowe ee gobolada laga heli karey boqlaal ciyaaryahano 17-18 jiro ah ee lama doonayo in xiriirku balaartaa oo wadatashi laga dhigaa si guul loo gaaro".

Xoghayaha xiriirku waa la yab hadalka uu saxaafadda uu siiyey ee uu leeyahay waxaa nala weydiiyey sawiro iyo Scan da'da ciyaartoyda ah, waa wax lala yaabo isagaa ayaa heerkan keeney inay gaarto, waan ogahay inuu nin dadaalaya uu yahay laakiin waa inuu ogolaadaa wada shaqeyn iyo wada tashi, mana doonayo anigu inaan dacwad furo oo aan buuq geliyo dhaq dhaqaaqa yar ee Somaliya ay heysato qeybta Sportiga ayuu raaciyey.

Halkan Hoose ka dhageyso Wareysgii Bakin

C/xafiid C/samad zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line