• Feeryahan Soomaaliyeed oo ka qayb galey Northolt ABC Boxing Tournament

Ciyaaryahan Mohamed Abuu Muunye ''Big Mo'' waa wiil Soomaaliyeed oo dheela ciyaarta feerka (Boxing) miisaanka dhexe(Middle Weight)kana tirsan kooxda Northolt ABC Boxing Club xaafada Hayes ee magaalada London.


Habeenimadii Jimcaha aheyd tartanka koobka feerka Northolt A.B.C Boxing Tournament oo uu ka qayb galayay ayaa waxa noo aheyd habeen aad u qiimo badan kadib markii aan ku tagney garoonka weyn ee ku yaal xaafada Hayes ee ciyaaraha lagu qabanayay ee la yiraahdo Barnhill Community Centre, si aan u taageerno wiilka Soomaaliyeed ee lagu naaneyso Big Mo,waxaana taageerayaasha hogaaminayay Gudoomiyaha Midoowga Somaliweek iyo SSAUK Macalin Shiine Guhaad, Ku xigeenka 1aad ee Gudoomiyaha Cabdi Axmed, Gudoomiyaha Nabadda Isboortiga Dahir Cali Kulmiye, Xuseen Deeq, Xuseen Abati,dhanka kale magaalada Manchester waxaa ka yimid taageerayaal uuna hogaaminaayay Garsoore Cabdulqaadir Caddaay, Macalin Maxamed Salim iyo Cabdikariim aka Odey Shirwac.


Run ahaantiina waxay noo aheyd habeen weyn iyo markii ugu horeysay Qurbaha aan ku aragno ama aan goob joog aan ka noqono wiil Soomaaliyeed oo ka qayb galaya tartan feer ah, garoonka waxaa soo buux dhaafiyay taageerayaal aad u badan oo kale taageerayay ciyaartooyda tartanka ka qayb galeysay,kuwaasoo miisaanada iyo da'da ay jireenba ay kale duwanaayeen, waxaana garoonka joogey Abuu Muunye iyo wiilashiisa,kuwaasoo garab taagnaa wiilkooda ka qayb galaya tartanka.
Dadweynaha garoonka joogey oo run ahaantii u badnaa dad boxer soo ahaan jirey,kuwa hada ah yo waalidiinta ciyaartooyda ayaa aad ula yaabey markii ay arkeen tirada habeenkaas Soomaalida ku joogtey garoonka,waxayna noo sheegeen in markii ugu horeysay ciyaaryahan Mohamed Abuu ay arkaan dad taageeraya oo Soomaali ah oo garoonka soo gala oo garab taagan, inkastoo garoonka lagu dheelayay uu ahaa xaafada kooxda uu ka tirsan yahey ee Northolt Boxing Club, uuna heystey boqolaal taageerayaal ah.
Ciyaarihii waxay furmeen 8-dii fiidnimo iyadoo lagu bilaabey ciyaartooy da'yar ah,kuwaasoo xiiso gooni ah noo ahaa, garoonka waxaa ka jirtey xamaasad aan la soo koobi karin iyo sawaxan, markii la gaarey 10-kii fiidnimo ayaa waxaa garoonka soo galey ciyaaryahan Mohamed iyo ninkii ay habeenkaas feerka dhexmari lahaa,waxaana garoonka ka biloowdey sawaxan iyo qeylo ay dadweynaha la kale safan midba midka uu la jira ay ku dhiirigalinayeen, taageerayaasha Soomaaliyeed ee habeenkaasi joogey oo tiradoodu dhameyd 10 marka lagu daro SSPAMEDIA oo si toos ah dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan ugu tabinayay qadka Facebook iyo shabakada SSPAMEDIA.COM ciyaarta uu dheelayay Ciyaaryahan Maxamed Abuu
Taageerayaasha Soomaaliyeed ayaa gubaabin darteed af Soomaali iyo English iskugu darey erayadi ay dhahayeen waxaa ka mid ahaa ''Come on Big Mo'', Maxamed Soco, garaac ninka, haa ku wad, tun ninka, waakaa,haaa waa la heshay, haka joojin, jilci ninka iyo erayo badan oo qosol badnaa marka aan maqlo, dhamaanteena waxaad moodeysay inaad garoonka ku jirney oo mararka qaarkood waxaan arkayay feerar iyo laad anagoo tuureyno sidii dad dagaalamaya, taasna waxaan kale sineyn taageerayaasha labada dhinac, waxaana meesha loo kale qaybsanaa kooxo iska soo horjeedo oo tartamo kale duwan habeenkaasi dhexmarayay,waxaana lagu galayay lacag qofkii 12 pound halka caruurtana ay ku galayeen 6 pound.
Ciyaarta oo socotey 3 wareeg ayaanan wax dhaawacyo culus ah la isa soo gaarsiin labada ciyaaryahan, inkastoo labadii qayb ugu horeysay aan moodeynay in wiilka Soomaaliyeed uu gacanta sare lahaa hadane wareegii ugu dambeeyay dhawr qalad uu sameeyay Big Mo natiijadii waxay noqotey in dhibco lagu kale saaro, halkaasoo labo dhibcood laga jarey ciyaaryahanka Soomaaliyeed,kadib markii loo sheegay in labo qalad u sameeyay markii lagu jirey wareegii sadaxaad,halkaasna ay guushii lagu siiyay wiilkii kale ee la tartamaayay.
Run ahaantii ciyaaryahan Maxamed aad ayuu ugu caroodey dhibcaha laga jarey madaama uu guul filanayay,hadane guul darada habeenkaas waxaa u keenay ayaan isleeyahay culeys weyn uu isa saarey madaama aan garoonka ku tagney tiro Soomaali ah oo taageerayay habeenkaas, taasoo uu isku saarey culeys iyo is xilqaan ah inuu qasab gar iyo gardaro uu kaga badiyo ninka habeenkaasi la feertamayay,balse taasi ma dhicin guushii waxay si fudud ku raacdey ciyaaryahankii kale kadib markii garsoorayaasha ciyaarta qabanayay iyo gudiga ay isku raaceen in Maxamed helay 15 dhibcood halka wiilka kale helay 16 dhibcood, hadii aan labada dhibcood laga jari laheyn guusha isagaa heli lahaa.
Mar aan weydiiney garsooraha sababta looga jarey labada dhibcood ayuu wuxuu noo sheegay inuu ku qabtey big Mo ciyaaryahanka kale qoorsagaaro wax u eg mar ay isku qabsadeen geeska garoonka kadibna uu labo feer madaxa ugu dhuftey, taasna ciyaartaan kuma jirto ayuu yiri garsooraha.
Ciyaaryahan Maxamed Abuu Muunye oo hore u soo dheelay 5 ciyaarood ayaa dhamaan guul ka keenay inkastoo ciyaartii xaley laga badiyay hadane wuxuu ciyaarta ugu soo horeyso dheelayaa 18-ka May hadii Eebe idmo, waxaana u rajeynaynaa guul iyo mustaqbal wanaagsan.
Waxaa xusid mudan dad badan oo naga mid ahaa habeenkaas oo joogey garoonka waxay aad u jecleysteen ciyaarta feerka iyo qaabka taageerayaasha daawanaya ciyaarta ay u dhiirigalinayaan ciyaartooyda baratameysa,sida Cabdi Axmed oo kale ayaa lagu xifaaleynayay in ciyaarta feerka ay aheyd inuu dheelo halkii uu kubadda cagta waqti badan isaga dhumin lahaa, taasoo uu aad u jecleystey wuxuuna yiri aniga hada kadib feerka ayaad igu og tihiin waxaana garab istagayaa ciyaaryahankaan Soomaaliyeed,waxaana isku dayayaa inaan barto qaabka loo dheelo iyo qaabka tababarka loo bixiyo, si aan xiriirka feerka Soomaaliyeed aan ugu gudbiyo wixii waayo aragnimo ah aan ka soo qaato.
Waxaan ka soo duubney cajalad Video ah oo aad ka daawan doontaan wixii habeenkaas meesha ka dhacey iyo wareysiyo aan idinkaga soo qaadney taageerayaashii Soomaaliyeed ee goob jooga ka ahaa ciyaarta uu dheelayay wiilka Soomaaliyeed ee dheela ciyaarta feerka ee miisanka dhexe ciyaaryahan Maxamed Abuu Muunye ''Big Mo'', hadii Eebe idmo waxaad ka daawan doontaan TV-ga Caalamiga ee Somalichannel TV madaama aad hore uga daawateen wareysigii iyo diyaargaroowga ciyaarihiisa.
SSPAMEDIA waxay mar walbo idin soo bandhigi doontaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ciyaaraha kale duwan ka qayb galaya meel kasto ay joogaan iyadoo shuruud ku xirneyn, si loogu dhiirigaliyo jiilka cusub inay horumar iyo meel wanaagsan ka garaan isboortiga noocyadiisa kale duwan, hadaba hadii aad heyso ama taqaan ciyaaryahan Soomaaliyeed oo dheela isboorti noocii uu doono ha noqdee fadlan nala soo xiriir si aan umadda ugu soo bandhigno dadaalka wiilka ama gabadha Soomaaliyeed,waxaana idin balan qaadeynaa inaan ka soo duubno film,kana soo qaadno sawiro islamarkaana aan ka soo deyno meelo badan iyadoo wax dhaqaale ah lagu xirin insha Allah.
Gabagabadii qormadeyda waxaan ku soo xirayaa '' ha iga harto Soomaali ma feertami karto''
W/D: Yusuf Yusuf
SSPAMEDIA.COM
mrsomalia@hotmail.com
Northolt Boxing Tournament




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line