• Bin Shakir oo soo wajahday caafimaad darro


Hassan Afiif , Bin Shakir & Bin Makhaashim

Ahmed Salah Bin Shakir wuxuu ahaa cayaartoygii ugu horeeyay ka qayb gala cayaaraha gobolada loo magacaabo cayaartoyda xulka qarank Somalia ee kubada cagta isagoo aan u safan kooxaha heerka kowaad.

Bin Shakir wuxuu cayaaraha ku bilaabay magaalada kismaayo Sanadka markuu ahaa 1971 ayuu u saftay kooxda wakaalada Muuska (Ente Banana) ee ka dhisan gobolka Kismayo. 1972 wuxuu u wareegay kooxda Warshada Hilibka ee Kismayo.

1973 ayaa Bin Shakir loo soo xulay inuu u safto cayaartoyda kooxda gobolka Kismayo oo halkaas ay ku soo bandhigeen xirfado heer sare isaga iyo cayaartoydii gobolka kismayo.

Cayaaraha gobolada marka ay dhamaadeen ayaa waxaa loo magacaabay inuu ka mid noqdo xulka qaranka Somalia isaga, Saciid Ducaale, Ismaaciil Gariile (AUN) Saciid Ismaaciil, Nuur Gaab iyo kuwa badan ee aan la soo koobi karin.

Isla sanadkii 1973 ayaa kooxda Municipio ama dawlada hoose nasiib u yeelatay iney la soo wareegto Bin Shakir wuxuuna ka mid ahaa kooxda dowlada hoose ilaa uu ka fadhiisto ciyaaraha walow ay jireen koox badan oo rabtay iney la wareegto laakin ma uusan ka yeelin mar walba wuxuu aaminsanaa inuu Municipio uu ku aakhirsanaayo.

Bin Shakir waxaa mar walba loo magacaabi jiray cayaartoyda xulka qaranka wuxuu ahaa laf dhabarka xulka iyo kooxdiisa dawlada hoose. Wuxuu ahaa cayaartoy akhlaaq badan xirfadiisuna ay aad u sareeyso.

Bin Shakir ayaa hada ku sugan wadanka sacuudiga isagoo soo wajahaday caafimaad darro una baahan in qaliin dhinca wadnaha loogu sameeyo iyo sharci la’aan uu ku joogo Sacuudiga. Waxaa xusid mudin in cayaartoygii weynaa ee xulka iyo kooxda dawlada hoose uu u dhinta wadno xanuun awgiisa isagoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxaa hubaal ah in loo baahan yahay in la garab istaago lana dareeynsiyo Bin Shakir in la dayicin oo baal dahab kaga qoran yahay kubada cagta ee Somalia. Waxaa kaloo masu’uuliyad ay ka saaran tahay xaalada Bin Shakir Xiriirka Kubada Cagta, GOS iyo Safaarada Somalia ee dalka Sacuudiga.

Arrinta Bin Shakir waxey saameyn weyn ku yeelan doontaa cayaartoyda loo soo xuli doono xulka qaranka taasoo ay u arki doonaan in la dayaco mustaqblka marka ay soo wajahdo xaaladao adag.

Waxaan halkan ugu baaqayaa bahweynta isportiga Somalia meel walba ay joogaan in loo wada istaago Bin Shakir. Wixii kaalmo ah waxaa lagu hagaajin doonaa Xasan Cafiif (Faraska Cad) eek u nool magaalada Doha ee wadanka Qatar

Waxaa halkan ku qoran dadka aad la la xiriiri kartid haddii aad kalin geysan kartid:

Bin Shakir 966 50 998 3312 Saudi Arabia
Cafiifi 974 5555 7487 Doha – Qatar
Ibrahim Sudani 612 242 3347 Minnesota - USA
Mohamed Ali 416 832-3903 Toronto - Canada
Mohamed Buwe London – UK
Bashir Jeenyo Stockholm – Sweden

W/D Mohamed Ali Shiikhey

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line