• Dhallinta Cuslaatay ee Jakatoorayaasha oo ku guulaysatay tartanka koobkii Odoyaasha

Tartan cayaareed oo kubadda cagta ah, aadna u xiiso badnaa ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, tartankaasi isaga ah oo loogu magac daray Tartanka Odoyaasha, ahaana sannadguuradiisa 2aad ee la qabto ayaa waxaa ka qayb qaadanayay 4 kooxood oo iyagu ahaa dhallinta ka Cuslaatay cayaaraha gaar ahaan kubadda cagta,Waxaana ay kala ahaayeen: Baashaalers,Fifty stars, Jikitoorayaasha iyo Qaranka.

Tartankaasi isaga ah ayaa qabanqaabadiisa waxaa iska lahaa laba dhallinyaro ah oo iyagu daggan magaalada Minneapolis, si hagar la,aan ahna uga qayb qaata horumarinta isboortiga ee gobolka Minnesota kuwaasi oo kala ahaa:Aadan Ugaas iyo Garsoore Cabdul.

Haddaba cayaarahaasi oo ahaa kuwo aad u xiiso badnaa , oo labo wareeg ahaa (wareeg hore iyo mid dambe)socdayna muddo laba bilood oo xiriir ah ayaa ciyaarihii ugu dambeeyay waxaa isku haleelay kooxda jikitoorayaasha iyo kooxda qaranka oo iyadu difaacanaysay koobkan ,waxaana ciyaartaasi ay rajada iyo saadaasha dadweynuhuba ahayd inay adkaan doonto kooxda qaranka.

Isku soo wada duub labada kooxoodba habeenkaasi waxaa ay soo bandhigeen cayaar ay aad uga maqsuudeen dadweynihii ka soo qayb-galay daawashadeeda,iyadoo kooxda qaranka ay xusid mudan tahay inuu ku jiray ciyaaryahan Maxamed rashiid oo ka mid ah daafacyada ugu wagaagsan ee ka cayaara gobolka Minnesota, hase yeeshee saadaashii dadweynaha iyo tii kooxda Qarankaba waxaa afka u dhigtay ciyaaryahan Cabdicasiis Aalkolo iyo kooxdiisa Jikitoorayaasha oo yiri sannadkan koobkan na dhaafi maayo, Cayaartiina waxaa ay ku soo gabagabowday 3 gool iyo 3 gool. Waxaana halkaasi koobkii dhibco tirsi ku qaatay kooxda Jikitoorayaasha oo iyagu sannadkan noqday horyaalka koobka kubadda cagta ee Odayaasha Minnesota.

Waxaa halkaasi lagu bixiyay abaalmarinadii oo loo kala helay sidatan:

-Kaalinta 1aad, kooxda Jikitoorayaasha, waxaana bixiyay Tababare Cabdulqaadir Xaaji Daahir "Shiikha"

-Abaalmarin loogu magac daray hoggamin wanaagsan "Leadership Award",waxaa la siiyay Macallin Barkhat oo ka socday kooxda 50 Stars, kaalintii uu ka qaatay tartankani habsocodkiisa.

-Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa intuu tartanka socday waxaa loo aqoonsaday ciyaaryahan Maxamed rashiid oo ka socday kooxda qaranka waxaana guddoonsiiyay Cabdiraxmaan Mukhtaar oo ka mid ah dadka sida aadka ugu ololeeya isboortiga Minnesota, ahna tifaftiraha webka Ciyaatoy.com

Munaasabaddaasi ayaa ku soo dhammaatay jawi farxadeed oo aad u qurux badnaa

W/D-Shiikha


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line