• 20th Aniversary Of Coming To Somali Week, Toronto Canada:1989-2009

WASHINGTON SOMALI STARS:

Sannadkan 2009 oo loo dabaaldagayo sannad guuradii 20 tanaad ee Cayaaraha SOMALI WEEK Toronto Canada, ayaa waxaa xusid muddan kooxda Washington Somali Stars oo aheed kooxdii ugu horaysay eek ku guulaysatay koobkii SOMALI WEEK TORONTO ee 1989. Tan iyo 1989 kiina kooxda Washington Somali Stars si joogto ah ayeey qayb libaax uga qaadanaysay welina qaadataa tartanka Toronto halkasoo guulo tiro badan eey ka soo hooyisay.

Washington Somali Stars 2009:
Tababarayaal: Jaamac Xirsi iyo Sharmaarke Axmed
Cayaartooy:
Shiine Cabdi (Somali National team), Ismaaciil (Somali National Team)
Sadak Abuukar, Maxamed Abuukar, Siciid Xassan, Abshir Xassan, Siciid ladane, Maxamed Gaab, Yoonis, Caydruus, Bakar, Siciid Cabdi, Cabdifataax, Nabiil, Yaasiin, Speed, Abdiqani Abdullahi, Samatar Kaahin, Mohamed Atlanta,Ali Goali, Mezray, Burhaan Yare, Siciidd Raasta, Abdirisaq Yare, Abdirisaq Raage, Awees, Qasim, Cabdiwahaab est.
Juniors: Mohamed & Ahmed Nuradiin, Khaalid Hiirad,Liiban Cabdi Bile, Ibraahim Fawzi, Ayub Cabdi, Yacquub Cabdi, Cabdiraxmaan Caraale, Muctasim Saalim, Daa-uud Ciise.


Washington Somali Stars 1983-2009:

Washington Somali Stars waxay soo shaacbaxday bishii July 1983 waana kooxdii Somaliyeed ee kubadda cagta ugu horeeysay ee Waqooyiga Ameerika laga dhiso. Ciyaartooydii ugu horaysay ee hirgalisay kooxda Washington waxaa ka mid ahaa: Abuukar Shaash, Cabdulahi Somaliyow, Xaaji, Saadaq, Nuure, Faisal, Jamaal, Marshaale, Khalif Riike, Cabdi Bile,Siciid Nur, Bileey, Mohamed Geedi, Shire, Xarbi, Saantoos, Labaatan, Warfaa, Shire, Aaxoow,Cabaas, Taabo, Nuuradiin, Axmed Dhegawayne, Ibraahinow, Daa’uud , Caato, Mustaf Siraaji, Maxamed Qasim, Burhan Adan, Cabd-Kayt, Santuur, Jeego, Qasse, Cali Beeldaaje, Moxamed Xayder, Cabdirisaaq Shigshigoow, Yasir, Xassan Bul Bul iyo ciyaartooy kaloo faro badan.

Sagaashaneeyadii iyo wixii ka dambeeyana, waxaa ku soo biirey dhalinyaro badan oo eey ka mid yihiin Cabdulqadir Caraale, Muhktaar Macoow, Axmed Salaan, Cabdiqani Hiirad, Diino,Cali dhuux, Caydaruus, Saalim, Ciise, Xassan Mire, Maxamed Khaliif, Xassan Shanghani, Cali Sheikh (Carab), Mustafa Baltimore, Khalaf, Musllimiin, Ismaaciil, Mustafa Richmond, Cali Reston, Sharmaarke, Jaamac, iyo kuwa la mida ah.

Sidoo kale dumar badan ayaa Kooxda Washington Stars soo jiritaankeedii hiil iyo hooba u hibeeyey. Saynab Shaash iyo Nura Cabdi Buraleh ayaa lagu tilmaama iney yihiin hooyooyinkii kooxda waayo had jeer waxay soo ta’kuleen jireen kooxda ilaa iyo markii la beerey. Sidoo kale waxaa taageero badan siiyey kooxda, Nasra Xusien,Leymoon Sabriye, Rooda Xassan , Raxmo, Caasha Salaan, Naciima Darafeey, Hinda Caarif, Hinda Buraleh, Foos Axmed(Toronto) Canab Axmed( Toronto) iyo eedo Asli (Toronto).

Boston ayaa iyana koox kubadda cagta ka dhisantay 1985 kii oo la tartami jirtay Washington. Hase yeeshee Washingon Somali Stars inta badan waxay ka qayb gali jirtay Washington Metro International Tournament oo jaaliyadaha ajanibiga ah ee degin Washington DC ku baratami jireen. Kooxda Washington Stars laba sanno oo xiriir ah ayeey final kii timid (1987 & 1988).

Kooxda Somali Washington Stars waxay soo halgamaysay in ka badan 26 sannadood, welina sanad walbna sii xoogaysansa. Waxaa intaas u dheer sumcad wanaag iyo xushmad eey qeerkeed ku dhaaftay. Ka dib markii udbaha loo aasay, Kooxdu waxay soo martay marxalado aad u kala duwan isla markaana samaynayey horumar walaw uu horumarkaasi kala xawli badnaa hadba heerka iyo marxaladaha la soo marayey dhawr iyo labaatankii sannaddood ee la soo dhaafay. Asbaabaha ugu waawayn ee Kooxdo mudaadaas dheer ee 26 ka sanaddood u soo kifaaxdeyna waxaa ka mid ah :
Dustuur Caalami ah oo kooxda lagu maamulo. Ciyaartooy kastoo ku soo biira kooxdana laga doonayo inuu akhriyaa, fahmaa, sixiixaa kuna dhaqmaa qawaaniinta dustuurka ku qoran. Dhalinyaradoo lagu baraarujiyo manafacaadka ciyaaraha bulshada u leeyihiin.

Washington Somali Stars oo nasiib wanaag u heshay hogaan eey ka midyihiin ciyaartooy horey Somalia uga soo ciyaartay oo khibrad iyo waayo arragnimo ku haga kooxda. Laacibiintaas oo muruqooda, maalkooda iyo maankoodaba u hibeeyey kooxda waxaa ka mid ah Khaliif Riiko ( Dekedaha Xamar), Abuukar Shaash, Faisal Maxamed(Waggad), Cabdulahi Somaliyow( Dekeddaha, Kismayo), Saadaq(Gaadiidka) Cabulqadir Caraale ( ciyaaraha fudud, Horseed) , Cabaas Cabdi iyo Siciid M. Nuur etc.

Dhalinyaradaas oo qaarkood xulka kubadda cagta ee Somaliya u soo saftay, runtiina mar walbana ku jirto qiiro Soomaalinimo isla markaana talo iyo tusaaleba la garab taagan cayaaraha Soomaaliyeed meel kastaba ha ku sugnaadaanee. Waxay muujiyaan xil dheeraad ah iyo xusul duub ay wadaan laacibiintaas kor ku xusani, iyo hamuun u qab horumarka cayaaraha Soomaaliyeed. Dadaalkaasi inkastoo uu soo taxnaa oo welina halkaas eey ka sii miisayaan dadaal joogta ah iyo dhabar adayg, misna tirada dhalinyaradaas oo aan badnayn ayaa ku guulaytay in eey mudadaas rubuc qarniga ka baddan soo wadeen kooxda Washington Somali Stars.

Gudoomiye
Siciid Maxamuud Xaaji Nuur
Washington Somali Stars
Tel: 703-919-1658

WashingtinStars@Comcast.net


 

 



 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line