• Eng Baana Oo Si Rasmi Ah Loogu Magacaabay Xoghayaha XSK Kolayga.

Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha XSKK oo nuqul ka mid ahi soo gaaray shabakaddan ayaa waxaa si rasmi ah loogu magacaabay xoghayaha XSK Kolayga guddoomiye ku xigeenkii hore ee xiriirkan Eng Baana Cabdalla Cali.

Eng Baana oo ay bahda sport gu si aad ah u yaqaanaan isla markaana sanidihii ugu dambeeyey kaalin aad u wayn uga jiray horumarinta kubadda kolayga dalkeena ayaa waxaa ay magacaabidiisani ku soo aaday ka dib markii maamul cusub loo doortay xiriirkan kaasoo uu hadda hogaamiyo guddoomiye Ibraahim Xuseen Cali "Roombo".

Ka dib doorashadii guddoomiyaha ayaa waxaa loo magacaabay xilal badan bahwaynta sport ga gaar ahaan kuwooda dibad jooga ah taasoo ay ku mutaysteen dadaalkoodii ay u galeen horumarinta kubadda kolayga waxaana hubaal ah in xiriirka kubadda kolaygu ku talaabsaday talaabo mudan in lagu daydo isla markaana ay u jiheeyeen xiriirka jid wanaagsan.
Ka dib markii aan helnay nuqulka warqaddan ayaan waxaan la xiriirnay xoghayaha XSK Kolayga waxaanan wax ka waydiinay sida uu u arko magacaabidiisa iyo sida ay suuragal ku noqon karto in uu guto hawl maalmeedkiisa asaga oo ku sugan dalkan ingiiska waxa uuna uga jawaabay,

"Run ahaantii waxaan u arkaa magacaabidayda mid wanaagsan aanan uga mahadcelinayo guddiga fulinta iyo guddoomiyaha xilkan ay igu aamineen waxaanan balan qaadayaa in aan intii awoodayda ah ka shaqeeyo sidii XSKK u gaari lahaa horumar la taaban karo mudada aan xilkan hayo, qaybta labaad ee su'aashaada waad la socotaa dunida hadda sida ay u shaqayso oo electronic ayaa lagu wada shaqeeyaa madaxda xiriirka, guddiyada kala gedisan, kooxaha iyo dhamaan dadka ay naga dhaxayso shaqaduna waxaan ku wada shaqayn doonaa habkaas electronic ga ah wixii shaqo oo u baahan in gudaha laga qabtana waxaa jooga kaaliyaha xoghayaha".

Dad badan ayaa ku dooda in xiriirka iyo sport ga dalkuba u gacan galay dad aan aqoon iyo waayaragnimo badan u lahayn kuwaasoo sida la dareemi karo aad ka mid tahay dadkaas maxaad uga jawaabi lahayd ama ka oran lahayd arintaasi ayaan waydiiyey Baana waxa uuna ka yiri,

"Waa runtaa arintaasina marar badan ayaana laga hadlay waxaase mudan in la is waydiiyo waaya aragnimda ama waxbarashada looga baahan yahay ruux aniga oo kale ah oo ku soo dhex jiray kubadda kolayga muddo ka badan 25 sanadood, cayaartoy, macalin iyo maamul ahaanba isla markaana haysta shahaado jaamacadeed oo maamul ah kuna shaqaynayey maamulkaasi muddo ka badan 11 sanadood waxaanan u daynayaa jawaabta su'aashaasi bahwaynta sport ga gaar ahaan kuwooda garan kara sida loo maamulo sport ga caalamka ee aan aragno horumarka uu gaaray".

Macalimiinta iyo qaar badan oo ka mid ah guddiga xiriirkuba dalka ma joogaan sidee ayaad ula shaqayn kartaan xiriirka iyo cayaartoydaba maxaadse ku kordhin kartaan kubadda kolayga gudaha ayaan mar kale waydiiyey Baana waxa uuna uga jawaabay su'aashan,
" Dalka Angola oo ka mid dalalka ugu wanaagsan kubadda kolayga qaaradda Afrika waxaa dhisay lisla markaana horumariyey kubadooda kolayga bahwayntooda sport ga ee ku kala nool dibadda, sidoo kale cayaartoydooda ugu badan waxaa laga keenaa dibadda maadaama ay haystaan tababar joogta ah anaguna sidaasi oo kale ayaan ku hanwaynahay anaga oo kaashanayna bahwaynta sport ga iyo macalimiinta qibradda leh ee loo doortayba in aan muddo kooban sare ugu qaadno kubadda kolayga guud ahaan gaar ahaan xulka qaranka ".

Eng Baana Cali waxa uu ku dhashay magaalada Mogadishu sanadkii 1968 kii, waxa uuna waxbarashadiisii ku soo qaatay isla magaaladaasi asagoo sanadkii 1984 kii ka baxay dugsigii sare ee Macalin Jaamac, mudadii uu ku jiray shaqadii qaranka ama gurmadka ayuu cayaarihiisii ugu horeeyey ee kubadda kolayga uga qaybgalay tartankii ciidamada, sanadkii xigay ee 1986 kii ayuu ka qaybgalay tartankii degmooyinka gobolka banaadir asagoo u cayaarayey xulka dagmada C/Casiis oo caan ku ahayd kubadda kolayga waxaana ay sanadkaasi ku guulaysteen tartankaasi, dagaaladii sokeeyey ayuu Eng Baana waxa uu u soo hayaamay dalkan ingiriiska halkaas oo uu ka sii watay waxbarashadiisii asagoo heer jaamacadeed ka gaaray kana qaatay jaamacadda "Middlesex University of London" shahaadada "Electronic Engineering and Management".

Intaasi ka dib Eng Baana waxa uu shaqo ka helay sanadkii 1997 kii shirkadda "London Transport" oo uu xiligan ugu shaqeeyo madax mashruuceed "Project Manager" wuxuuna shirkaddan la shaqaynayey muddo ka badan 12 sanadood.

Dhanka kubadda kolayga waxa uu Eng Baana ka qaatay dalkan Ingiriiska shahaadad tababarnimada kubadda kolayga heerarka koowaad iyo labaad "Level 1 & 2 of Basketball Coaching Qualification" taasoo ku tusninaysa sida uu had iyo goor ugu haminayey sare u qaadida kubadda kolayga dalka, wuxuu sidoo kale ka qaybgalay aqoon iswaydaarsiyo ku saabsan kubadda kolayga iyo maamulkeedaba asagoo dhinaca kalena uga qaybgalay XSKK dhawr shir oo ay soo qabanqaabiyeen xiriirada caalamiga ah.

Eng Baana waxa uu kaaliye macalin u noqday xulka qaranka kubadda kolayga dalkeena sanadkii 2006 dii, xiligaasi oo asaga iyo saaxiibkiis ilaahay janadii ha ka waarbiyee Cumar M Cumar "Anyeelo" ay dhalinyaro ka kaxeeyeen dibadda ugana qaybgaleen tartankii dalalka geeska Afrika oo ka dhacay dalka Kenya, wuxuu sidoo kale ka mid ahaa wafdigii ka qaybgalay cayaarihii ka dhacay dalka Marocco sanadkii tagay ee 2008.

Dhinaca kale qoraalkan lagu soo magacaabay Eng Baana ayaa waxaa dhinac socday mid kale oo dib loogu magacaabayo macalimiintii kubadda kolayga iyo qaar ka mid ah maamulkii xiriirka kubadda kolayga kuwaasoo uu kal hore magacaabay guddoomiyihii hore kala ahaa sidan.
Dr Cusmaan Xuseen "Shiis": La taliyaha XSKK
C/qaadir Xaaji Daahir "Shiikha" Macalinka xulka qaranka
Axmed Daahir Axmed Ku xigeenka macalinka
Cusmaan Cali abanuur "Bruno" " " " " "
C/Laahi Cilmi Ereg "Xaaji" " " " " "

W/D: Shiikha


 


 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line