• Hamilton United oo dhulka lagu jiiday

Isreeb reebkii kowaad ee North America challenge Cup ayaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Toronto.

Tartankan ayaa waxaa kasoo qeybgaleen 9 kooxood oo kala ah Seif Fc, Hilac Fc, Down town, Windsor, Blue Stars, K. Waterloo, Rochester NY, Hamilton United iyo Kitchiner Fc.

Kooxahan ayaa waxaa loo qeybiyay 3 qeyb(Group). Ciyaarta semi-finalka ayaa waxaa usoo gudbay kooxaha Seif Fc, Hilac Fc iyo Down town, oo iyagu ugu sara maray qeybtii (Gorup A, B & C) ay ku jireen. Kooxda affaraad ee usoo gudubtay semi-finka ayaa waxay noqotay Windsor,kadib markii ay noqotay kooxihii haray midda ugu dhibcaha badan.

Inkastoo shan kooxood ay ku hareen wareega kowaad haddan kooxda Hamilton United ayaa iyadu la hooyatay guul daradii ugu xumaday.

Kooxdan ayaa labadii ciyaar ay ciyareen middii kowaad looga badiay 8-2.

Halkan kulankii labaadna si fiican dhulka loogu jiiday iyadoo 14-0 looga badiyay "What an Humiliation!".

Ciyaaraha semi-finalka ayaa waxaa wada ciyaari doontaa kooxda Windsor iyo Hilac. Ciyaarta labaadna waxaa foodda is dari doonaan Seif Fc iyo Down town.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line