• Horseed oo cashar u dhigtay Hilac Iyo Xiddigaha Oo Kala Dirtay Dixon

Horseed 3-2 Hilac

Waxaa magaalada Toronto lagu soo gabagabeeyay isaragii 1aad "Andata" ee Istar Cup.

Kullankii kowaaad ayaa waxaa foodda is daray kooxda Horseed ee u hogaaminaayey Xassan Xarbi iyo kooxda Hilac.

Bilowgii ciyaartaba waxaa gool aad u qurxoon kooxda Hilac u dhaliyay kabtankan kooxda Cumar Warsame.

Wax xogaa kadiba ayaa kooxda horseed ay heshay goolkii bar bardhaca.

Qeybtii 1aad ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala naxstay 1-1. Nashadii kadib ayaa kooxda Horseed ay dar dar la soo galeen garoonka, iyagoo halkaasi 2 gool oo daran doori ah beerka u geliyay Hilac.

Kooxda Hilac ayaa intaa kadib iyaduna markeedi weerar soo qaaday iyagoo halkaasi ku dhaliyay goolkoodi 2aad. Ciyaartani ayaa waxay ku soo gabagabowday Horseed oo 3-2 cashar ugu dhigtay Hilac

Xiddigaha 4-3 Dixon

Ciyaartii labaad ee la wada sugayey ayaa waxaa foodda is daray kooxaa xiddigaha iyo Dixon. Ciyaartani oo jawi aad u qurxoon ku bilaabantaay ayaa daqiiqadii hore ee ciyaarta u Marshaale gool aad u qurxoon u dhaliyay kooxdiisa Xiddigaha.

Kabtanka kooxda Dixon Eng. Abdisamed ayaa kooxdiisa kula dar daraamay iney weerarka kordhiyaan si ay isaga soo gudaan goolkaasi. Ciyaartooyda Dixon oo ereyada kobtankooda maqlay ayaa halkaasi gookii bar bardhaca ka dhaliyay.

Marshaale ayaa haddan kooxdiisa xiddigaha goolkii labaad u dhaliyay. Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala naxstay 2-1 oo ay ku hogaamineyso xiddigaha.

Qebtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda xiddigah ay garoonka la soo galeen weerar aan kala go' lahayn iyagoo halkaasi 2 gool oo daran doori ah halkaasi ka dhaliyey.

Markii ay ciyaartu mareysay 4-1 ayaa Dixon ay hurdada ka toseen iyagoo 2 gool dhamaadkii ciyaarta ka dhaliyay.

Ciyaartani ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay 4-3 oo ay guusha ku raacday xiddigaha.

Xiddiga garoonka waxaa loo caleemo saary Marshaale oo halkaasi ka dhaliyay seddax ka mid ah affrta gool oo ay kooxdiisa dhalisay.

Dhanka Dixon waxaa kooxda aad u hogaaminaayey Madaalaha iyo kabtanka kooxa Eng. Cabdisamed Sheekh Qasim.

 

TEAM GP W D L GF GA PTS
Xiddigaha 3 2 1 0 18 13 7
Hilac 3 1 1 1 9 9 4
Dixon 3 1 0 2 8 9 3
Horseed 3 1 0 2 13 16 3

Is araga 1aad (Andata)

Date Time Match
Oct.17,2012 7:30 pm Xiddigaha 5-5 Hilac
  8:30 pm Dixon 4-3 Horseed
Date Time Match
Oct.24,2012 7:30 pm Xiddigaha 10-7 Horseed
  8:30 pm Dixon 1-2 Hilac
Date Time Match
Oct.31,2012 7:30 pm Horseed 3-2 Hilac
  8:30 pm Dixon 3-4 Xiddigaha

Is araga 2aad (Ritorno)

Date Time Match
Nov.07,2012 7:30 pm Dixon V Horseed
  8:30 pm Hilac V Xiddigaha
Date Time Match
Nov.14,2012 7:30 pm Hilac V Dixon
  8:30 pm Xiddigaha V Horseed
Date Time Match
Nov.21,2012 7:30 pm Dixon V Xiddigaha
  8:30 pm Hilac V Horseed




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line