• Warbixin Guud Ee Ku Saabasn Ciyaarihii Qurbajooga Ee Jabuuti

Muddooyinkii u dhaxaysay March14keedii ilaa 28keedii 2009, waxaa dalka Jabuuti oo aynu walaalaha nahay booqasho ku joogay kooxo kubadda cagta iyo koleyga, kuwaasi oo iyagu cayaaro saaxiibtinimo la yeeshay kooxaha ka dhisan dalkaasi jabuuti,

Wafdiga ciyaartooyda ee booqday jabuuti ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Axmed sheel oo isagu ka mid ahaa halgamayaashii Isboortiga Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Macallin oo isagu ahaa isku dubaridaha barnaamijkasi cayaareed ee qurbajoogta iyo dad faro faro badan oo isugu jiray,Mas'uuliyiin Isboorti, Odayaal Isboorti, maamulayaal isboorti, macallimiin iyo ciyaartooy intuba Kuwaasi oo ahaa qurbo-joog ka kala yimid dalalka Europe iyo Ameerika. Waxaa iyaduna xusid mudan in 4 cayaartooy oo ka socotay gobolka Burco ay dhinaca kubadda cagta ka qayb qaateen, iyada oo 2 cayaartooy oo kubadda koleyga oo laga sugayay Muqdisho ay soo gaari waayeen madasha cillad xagga isku xirka duulimaadka awgeed.

Cayaarahaasi iyaga ah oo loogu magac daray toddobaadka dhaqanka iyo saaxiibtinimada ee jabuuti iyo qurbajoogta Soomaaliyeed oo uu casuumaddiisa fidiyay madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle,ayaa ahayd sannadkii 2aad oo cayaarahaasi laga qayb-galo,laguna qabto jamhuuriyadda jabuuti.

Haddaba ciyaarihii saaxiibtinimada ay kooxaha qurbo joogta la yeesheen kooxaha jabuuti ayaa sidan ku soo gabagaboobay;

Kooxda kubadda cagta ee qurbajoogta ayaa iyagu 2 cayaarood la yeeshay kooxaha kubadda cagta ee qaranaka jabuuti iyo koox heer 1aad ah.Ciyaartii koowaad ayaa ku soo gabagabowday 3 gool iyo 0 oo ay ku adkaadeen kooxda jabuuti , waxaana ciyaartaasi daawashadeeda ka soo qayb-galay ra'iisal wasaaraha dawladda Jabuuti Mudane Dileyte Axmed Dilayte, wasiiradda Isboortiga ee Jabuuti Marwo Xasna iyo Mas'uuliyiin ka socotay dawladda jabuuti, madaxda Olimbikada Soomaaliyeed iyo madaxdii hoggaaminaysay ciyaartooyda qurbojoogta.

Ciyaartii 2aad oo iyaduna la qabtay 03/03/2009, waxaa foodda is daray kooxaha Qurba joogta iyo Kooxda Jabuuti. Ciyaartaasi ayaad moodaa inay kooxda qurbo joogta aad ugu gacan sarreeyeen ilaa laga soo gaaro 10 kii daqiiqo ee cayaarta ugu dambaysay. Kooxda qurbo joogta ayaa soo bandhigay ciyaar aad u heer sarreysay oo isku dhiib dhiib wanaagsan lahayd, waxaana u suuro gashay in qaybtii hore ay gool ku hor maraan ,kaasi oo uu u saxiixay inankii lambarka 7aad u sitay. Isku soo noqodkii ayay misna 2da kooxoodba weerar isku hayeen, iyadoo waliba ay aad u gacan sarreeyeen kooxdii qurba joogta, hase yeeshee 10 kii daqiiqo ee ugu dambaysay ayaa hoggaankii kubadda lagala wareegay oo reer Jabuuti ay jaanta si fiican isula heleen, waxaana dhacday in weeraro badan ay ku qaadaan goolka kooxda qurbo-joogta, waxaana natiijadii ay noqotay in ay halkaasi gool ku dhaliyaan daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray cayaarta. Waxaana ciyaartii ay ku soo gabagabowday 1 gool iyo 1 gool (Barbardhac).

Ciyaarihii Kubadda koleyga ayaa iyaguna aad u xiiso badnaa, iyada oo sannadkan ay ciyaarahaasi ka qayb-galeen dhallinyaro ka socotay North Amerika iyo Europe . Laba cayaarood oo ay la yeesheen kooxda qaranka ee Jabuuti iyo koox heerka 1aad ah, labadiiba waxaa adkaaday kooxda qurba joogta oo iyagu soo bandhigay cayaaro farsamadoodu ay aad u heer sarreysay. Natiijadii ciyaarahaasi ayaa ku dhammaatay sidan:

urbajoogta 7 3 dhibcood Jabuuti 38 dhibcood

Qurbajoogta 58 dhibcood Jabuuti 34 Dhibcood

Guud ahaan ciyaarahaasi ayaa waxay ku soo gabagaboobeen si farxad leh.

Waxaa xusid mudan in muddadii kooxaha diyaasbarada iyo maamulkoodaba ay joogeen Jabuuti in xaruntii ay ciyaartooyda dagganaayeen uu ku soo booqday wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga mudane Saleebaan Colaad Rooble oo isagu si aad ah uga warbixiyay hawlaha horyaala wasaaraddiisa iyo qorshayaasha u degsan. Wasiirku waxaa uu ugu hambalyeeyay maamulkii iyo cayaartooyda qurbajoogta dadaalka wanaagsan oo ay ugu jiraan horumarinta isboortiga soomaaliyeed.

Ugu dambayntiina wasiirku waxaa uu kula dardaarmay qurba joogta inay hiil iyo hooba la soo gaaraan walaalahooda isboortiga ee ku dhibaataysan dalka gudahiisa, kana qayb qaataan hawlaha lagu horumariyo guud ahaan isboortiga. Sidoo kalena waxaa wafdigii qurbajoogta ay magaalada jabuuti kula kulmeen guddoomiyaha cusub ee guddiga Olimbikada Soomaaliyeed mudane Aadan Xaaji Yabaroow”Wiish” iyo xubnaha guddiga Olimbikada Soomaaliyeed , waxaana gabigoodaba ay ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa horumarinta isboortiga Soomaaliyeed noocyadiisa kala duwan.

Isku soo wada duuboo guud ahaanba ciyaarahaasi ayaa waxaa ay ku soo gabagaboobeen si farxad leh

 

W/D Shiikah
Minneapolis-Minnesota
Somali-Youth.org



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line