• John Terry oo Laga Xayuubiyey Kabtinimadii Xulka Qaranka Ingiriiska.

London-feb-11-2012-xiddigaha.com-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ku jibaaxayna Kabtanka reer Chelsea oo laga xayuubiyey kabtinimadii xulka qaranka ee Ingiriiska markii uu aflaagaado cunsiriyed ah kula kacay (QPR) Aton Ferdinad.

Sannadkii ayunu soo dhaafney ayaa waxaa hadheeyey cariga ingiriiska siiba ciyaartooyada u ciyaarta naadiyada waween iney iskula aflagaado ay ku dheehantahay caay wadata cunsiriyad,haddaba xiddiga difaaca uga ciyaara Naadiga Chelsea iyo qaranka ahana Kabtanka labda dhinacba John Terry ayaana sii ahaaneyn Kabtanka qaranka Ingiriiska ilaa inta ay dhinac u dhacayso dacwadda lagu soo oogey Maxkamaddana isa soohortaagi doono Bisha July ee fooddda inagu soo haysa.

Kabtankan reer Chelsea John Terry oo 31-jir ah gabalkiisuna si dhacayo ayaa ku adkeysanayo inuuna dambigan galan ayaanan dheg jalaq u siinin Gudoomiyaha (FA) Football Assosition David Bermsein go’aana ku gaadhay in laga xayuubiyo Kabtinimadaa xulka qaranka,wxaana ku taageerey Ministarka ciyaaraha (Minister of Sports) Hugh Roberison.

Haddaba xulka qaranka ee Ingiriiska oo isu diyaarinaya koobka horyaalka kubadda cagta ee Yurub-2012 iyo ciyaar saaxiibtinmo oo ay layeelan xulka qaranka ee Holland ayey u badantahay inuuna ka soo xaadirin Kabtan John Terry,laakiin waxaa laga furfuri karin oo ku dhagan Tabaraha xulka Ingiriiska ee reer Talyaaniga ah Fabio Capello ee bal aynu aragno wixii ka soo baxa.

W/D-Jaahuur-Ottawa
xiddigaha.com



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line