• Messi oo markii saddexaad hantiyey BALLON D'ORE

     

Saaxiibayaal qormadeenaciyaaraha waxaynu maanta ku soo qaadaneynaaXidiga 24 jirka reer Argentin iyo Barcelona Leonel Messi ayaa loo caleema saaray laacibka aduunka markii 3aad ee is xigta kadib xaflad weyn oo ay sooqabanqaabisay hay’ada ugu sareysa kubada cagta aduunka ee Fifa.  
Messi ayaa kaga adkaaday abaal marintan kubad qeybiyaha weyn XaviHernandes oo ay isku koox yihiin iyo Cristiano Ronaldo oo isna kaciyaara La Liga Spain iyo Real Madrid, waxa ayna abaal marintan Messika dhigeysaa ciyaariyahankii ugu horeeyay ee ku guuleysta 3 mar ooisku xigta wixii ka danbeeyay Micheal Platini oo ku dhawaad 30 sanokahor sameeyay sidan oo kale. Kooxda Barcelona oo ku guuleysatay koobab fara badan ayuu laf dhabar uahaa Messi, balse waxaa weli u dhiman inuu dalkiisa u horseedo guuloxilliyada soo socda maadaama uu weli aad u da’ yaryahay.
 
  Tababare Pep Guardilo ayaa noqday tababarihii ugu wanaagsanaa sanadkiitagay, halka Neymar loo caleema saaray abaal marinta loo yaqaan PuskasAward oo ah goolkii ugu qurxoonaa ninkii dhaliyay sanadkii tagay.

Kooxdii sanadka ayaa laga dhigay liiska hoose. Casillas gool haye, Ramos, Pique, Vidic iyo ALves oo difaaca ah,Alonso, Xavi, Iniesta, Rooney, Messi iyo Ronaldo oo dhexda iyo safkahore ah. Dhanka kubada cagta dumarka waxaa abaal marinta gabadha sanadka 2011kala sii yay xidigada reer Japan ee dalkeeda u horseeday koobkii aduunkasanadkii lasoo dhaafay Homare sawa.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line