• Tababare Mourinho oo u Boqoolaya Arsenal Iyo Wagner oo u Hayaamay Real Madrid

xiddigaha.com-Saaxiibayaal barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu ku falaqayneynaa tababaraha Real Madrid oo u baqoolaya naadiga Arsenal iyo ka Arsenal oo u hayaamaya Real Madrid.

Naadiga weyn ee reer Spain Real Madrid oo sanadihii aynu soo dhaafney khaati ka taagneyd guuldarooyinkii ka soo gaadhay naadiga weyn ee xurguftu ka dhaxayso ee Barcelona ayaa waxay sababtey in khilaafweyne soo kala dhexgalo xiddigaha Real Madrid iyo tababarahooda caanka ah Mourinho oo dulqaadkii ka dhamaadey.

Barcelona oo cayaartii ugu dambeysey dhagaha ka garacdey Real Madrid ayaa taageerayaasha warabowgaqaba ayaa qaylo iyo sawaxan aan kala go’ lahayn raaxada kaga qaadey tababare Mourinho kuna leh wakhtigaagii waa ku daayey ama wuu dhamaadey.

Haddaba haddii aynu jaleecno xagaaiyo naadiga weyn ee ingiriiska Arsenal oo iyaguna khaati ka taagan guuldarooyinkabadan ee ka soo gaadhaya Man-United siiba ciyaartii ugu dambeysey ayaa sababtey in taageerayaashu qaylo sawaxan badan raaxada kaga qaadeen tababare Arsene Wenger oo isaguna dulqaadkii ka dhamaadey ayaa jecel in u hayaamo xagaaiyo Real Madrid walow dhawr jeer ay soo codsadeen.

Haddaba su’aalooyin badan oo la weydiiyey labadan tababare siiba Mourinho waxa ay taageerayaashu ugu qaylinayaan ayaa ku jawaabey in la weydiiyo ciyaartooyda uu kibirku ka batey.

W/D-Jaahuur
xiddigaha.com





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line