• Real Madrid oo 2-1 Ku Haajirisey Man United

     

 

Old Trafford-London-Mar-o5-2013-xiddigaha.ca-Ottawa-Akhyaartay qormaqdeena ciyaaraha waxaynu ku qooransaneynaa xagaa iyo Ingiriiska oo ciyaar ka tirsanayd koobka Yurub (UEFA) waxaana hilfaha isu qaadey Man United iyo Real Madird.

Runtii ciyaartan oo la wada sugayey waxaa ka soo qeyb galey dadweyne aad u badan iyo dabcan taageerayaasha warabowga qaba ee labda dhinac.

Man United oo ku soo talo gashey iney si dhibyar uga badineyso Real Madrid bacdamaa ay ku ciyaareyso gurigooda iyo garoonkooda Old Trafford Stadium ayaan helin waxay fileysey.

Ciyaartan oo ku bilaabantey si xiiso leh ayaan waxba la iska dhalin qeybtii hore ee ciyaarta.

Qeybtii dambe markii la iskugu soo noqdey daqiiqaddi 48-aad ayaa Real Madrid difaaceedii Ramos gool iska dhaliyey,halkaana Man United ay ku heshey gool aynan u soo dhididin.

Real Madrid sidaa kumey quusan daqiiqaddii 66-aad waxaa gool qurux badan u xaqiijiyey Modric kii qalbi jabkana qaxaa daqiiqadii 68- ku sagootiyey Ronaldo Cristiano.

Man United iyo Real Madrid waxaa u kala saftey

Manchester United: 1-David de Gea; 2-Rafael, 5-Rio Ferdinand, 15-Nemanja Vidic, 3-Patrice Evra; 16-Michael Carrick, 23-Tom Cleverley; 17-Nani, 19-Danny Welbeck, 11-Ryan Giggs; 20-Robin van Persie.

Subs: Lindegaard, Evans, Valencia, Rooney, Hernandez, Young, Kagawa.

Real Madrid: 41-Diego Lopez; 17-Alvaro Arbeloa, 2-Raphael Varane, 4-Sergio Ramos, 5-Fabio Coentrao; 14-Xabi Alonso, 6-Sami Khedira; 22-Angel Di Maria, 10-Mesut Ozil, 7-Cristiano Ronaldo; 20-Gonzalo Higuain.
Subs: Adan, Pepe, Kaka, Benzema, Albiol, Modric, Callejon.
Referee: Cuneyt Cakr (Turkey)

W/ Qorey Jaahuur,Ottawa
xiddigaha.ca
jjaahuur@hotmail.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line