• Tababarihii Man city oo la Fanashey Muxuuse Ku Muteystay?

London-May-15-2013-xiddigaha.ca-Akhyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu manta ku jaleeceynaa tababarihii Man City Roberto Mancini oo shaqadii laga xayuubiyey,muxuuse galabsadey?

Haddaba sababta tababare Mancini shaqada looga eryey ayaa u weyn ciyaartii dhexmartay kooxdiisa Man City iyo kooxdii ugu liidatey kooxaha Ingiriiska xagga dambana kaga jirtey horyaalka Wigan,markii 1-0 ku sagootisey kuna guuleysatey koobkii FA CUP ee finalka ahayd kana dhacdey Wembley.

48-eed jirkan reer talyaaniga ah ayaan runtii la dhayalsan karan kana mid ah tababarayaasha aad looga qadariy aduunka ,waayo kooxdan oo aan 44-sanno aan indhaha saarin horyaalka Ingiriiska ayaa 2012-kii gacanta u soo galiyey.

Saaxiibayaal haddii aynu eegnu dhinaca maamulka naadiga sababaha ay ku khaarijiyeen wxaa ka mid ah,xidhiidhka ka dhaxeeya Mancini ciyaartooyda iyo maamulka oo daciif ah iyo hab ciyaareedkii uu kaga hortigi lahaa horyaalka xagaaga soo socda oo aan ka muuqan.

Man city waxaa u hadhsan laba ciyaarood waxaana waxaana si ku meelgaadh ah u sii wadaya ku xigeenkiisii Brian Kidd,waxaana u sii milicsanaya inuu bedelo Mancini tababarihii kooxda Malaga Pellegrini xagaa ciyaareedka soo socda haddii Alla yidhaa.

W/ Qorey Jaahuur
xiddigaha.ca
jjaahuur@hotmail.com

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line