Iyadoo la filayo in dhawaan uu qabsoomo doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Gacanta, ayaa waxaa xilkaasi markii ugu horeeyay isku soo taagay Madaxii hore ee Maamulka Isbitaalka Keysaney Cali Yuusuf Maxamed (Cali Bile) oo rajo ka qaba in uu noqdo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Gacanta 4-ta sano ee soo socota. Musharaxaan ayaa la filayaa in uu tartan la galo Guddoomiye in muddo ah soo haayay xilkaasi, Maxamed Xuurshe Xasan Eenow, iyadoona Cali Bile uu warqadiisa Musharaxnimo u gudbiyay, Maamulka XSKG, Naadiyada, Guddiyada Hoos yimaada, iyo Guddiga Olompikada Soomaaliyeed ee GOS. "Waxaan rajo ka qabaa in aan ku guuleysto xilka Guddoomiyaha XSKG, anigoona rajeenaya in aan wax badan ka badalo, hanaankii lagu bartay xiriirka, mar walibana waa muhim in uu isbadal dhaco" Ayuu yiri Musharaxa Guddoomiyaha XSKG, oo Naadiyada ka codsaday in fiiriyaan Hindisa cusub ee uu la damacsan yahay Kubada Gacanta. Qaar ka mid ah Naadiyada Hoos yimaada XSKG ayaa soo dhaweeyay Musharaxnimada Cali Yuusuf Maxamed (Cali Bile), iyagoona balan qaaday in ay codkooda siin doonaan. Salah Hassan
Omer (Salah Dheere)
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|