• New York Giants oo Ku Guuleysatey Super Bowl 2012

     

INDIANAPOLIS-Feb-06-2012-xiddigaha.com-Saaxiibayaal barnaamijkeena waxaynu manta ku lafagureynaa ciyaartii xalay ka dhacdey Indianapolis oo ahayd Super Bowl 2012 .

Ciyaatan oo aad iyo aad u xiisabadneyd ayaa waxaa garoonka soo buuxiyey kumaankun oo dad ah iyo taageerayaasha labada kooxood waxaana madaxa isla galey labada kooxood ee kala ah New York (GIANTS)iyo NEW ENGLAND (PATIRIOTS).
Labadan kooxood ayaa 2008-kii iskugu soo baxay ciyaarta kama dambeysta FINAL waxayna ahayd ciyaar xiisa badan waxaana ku guuleystey koobkii Spuer Bowl ee sanadkaas Giants halyeygii habeenkaas guusha u horseedey waxuu ahaa QuaterBack Eli Manning isla markaana la gudoonsiiyey abaal marin(MVP).

Haddaba Patriotska oo 2008-kii tii ku dhacdey ka soo kabanla ayey markan waxay si fiican ugu soo diyaargaroobeen iney ka aar gutaan owna afareystaan horyaalkan Super Bowl-sha laakiin maxaa dhacay?Ciyaartan oo si xamaasada ku bilaabantey labada quarterbackna midba midka kale u haysto inuu ka fiicanyahay waa Eli Manning(Giants) iyo Tom Brady(Patiriots) ayaa qaybtii hore( ist quarter)waxay ku dhamaatey 9-0 waxaana keensadey Giants qaybtii labaad(2nd quarter) markii la isku soo noqdey ayaa Patriotsku waxay ugu jawaabeen-10-0-QAybtii saddexaad (3rd quarter)waxay ku dhamaatey 7-6-oo ay ku hogaaminayaan Patriots,haddaba qabtii afraad(4rth quarte) oo ahayd tii ugu dambeysey ciyaarta oo aay Patriotsku ku hogaamiyaan 15-17 -kana hadhsantahay 4- daqiiqo oo kaliya ayaa Manning si xarago leh ugu tuurey kubaddi Ahmad Bradshaw (TOUGHDAWN)-6-0-ciyaartuna waxay ku soo gabagabootey 21-17 oo Giantsku ku badiyeen.

Anigu kaligey ma badin ee isku duubnimada kooxdeyda ayaanu ku badiney sidaasna waxaa yidhi QuarterBack-ga New york Giants Eli Mannimg oo low caleemasaarey(MVP).

W/D-Jaahuur
xiddigaha.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line