• TARTANKII ISBOORTI EE OHIO-ATLANTA OO SI QURUX BADAN KU DHAMAADA

     

Waxa sanad kastaba la qabtaa Tartamo Isboortiga oo dhexmara Goboladda OHIO iyo ATLANTA, taa oo looga gol leeyahay in la abuuro jawi is dhexgal siiba dhalinyaradda hadda soo koreysaa,waxayna ku tartamaan Isboortiga noocyadiisa kala duwan sida Kubadda Cagta iyo Kubadda Koleyga.


Gudiyadda Isbboortiga ee Atlanta iyo Ohio waxa waligood ka dhexeeyey wada shaqeyn heer sare ah oo ku wajahan in dhalinyaradda kala duwan ee ku nool Goboladaasi lagu barbaariyo Isboortiga iyado lagala dagaalamaayo dhibaatooyinka ka jira Qurbaha,waxaana moodaa taa in maanta lagu guuleystay madaama dhalinyaradda badankood ay maanta ku masquulsanyihiin ka qeyb galka Ciyaaraha Noocyadooda kala duwan,waxayna labaadaasi Gobol leeyihii Caruur aad u da yar oo u socda Tababar Isboorti,waana guusha ugu weyn ee labaadan Gobol ay gaareen.


Haddaba waxaa dhawaan Boqosho sharaf ku yimid Magaaladda Atlanta Guddiga Isboortiga ee OHIO iyo Koox Kubadda Cagta aheyd ee ka socotay isla Gobola OHIO si ay Ciyaar saaxiibtinimo ah ula yeeshaan Ciyaartoyda Magaaladda Atlanta,isla markaana ay shir ay ula yeeshaan Guddiga Isboortiga ee Atlanta si looga wada hadlo ayaaha dambe ee Isboortiga ee labaadaasi Gobol.


Waxaana Shirkaasi lagu gorfeeyey in loo sii balaarin lahaa ku abaabinta Isboortiga ee Jiilalka soo koraayo,waxaana Shirkaasi talooyin wax ku ool ah ka bixiyey Tababare Maxamed Xaaji Giftin oo ka mid aha Tababarayaashii Kubadda ee Soomalia kuwii ugu fiicnaa,isagoo soo saaray Ciyaaryahano magac iyo maamusba ku lahaa Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Cagta sida Cabdulaahi Axmed Salxaan(Enow),Muridi Abanuur,Goolwale Dhagey,Argentiina iyo kuwa kale,waxa kaloo halkaa ka hadklay Dr. Cali Cusmaan,Aweyd Fuundi,Caydiid Jeeyo,Cali Mataan,Cabdulaahi Afrikaano,Mahad 3 Point,Cabdifataax iyo khubaro kale oo aqoon balaaran u leh Isboortiga waxaana la isla gartay in Mid Sadex qofood labada Gobol laga soo saaro oo noqda Guddiga Farsamadda soona uruuriyaan talooyin lagu sii hormarin karo Isboortiga labada gobol lagana doonaayo in ay ku soo diyaariyaan sida ugui dhaqsiyaha badan si talooyinkaasi looga sii ambaqaado.


Habeenimaddi ay jirtay koobkii kama dambeysta ahaa oo ay labada gobol ku tartamayeen ayaa waxa garoonkii ka soo qeyb galay Tageerayaal aad iyo aad i jilbeysan oo ka socday Magaaladda Atlanta,kuwaa oo la garab taagnaa hiil iyo hooba kooxdooda reer Atlanta,waxaana kooxdii ka socotay Reer Atlanta markii ay arkeen Tageeridda hagar la'aanta ah ee shacabka Reer Atlana ayey waxay soo bandhigeen Ciyaar Farsamadeedu ay heer sare aheyd,kana koobneyd Hujuum iyo Difaac,waxaana taa u dheereed isu dhiidhiib gaagaaban taa oo Kooxdii OHIO aysan awood u helin in ay iska caabiyaa,waxaana halkaa Koobkii lagu tartamaayey soi xarago leh ugu guuleystay Libaaxyaddii Reer Atlanta oo habeenkaasi soo bandhigay Ciyaar aan waligeed la arki.waxayna Ciyaartii ku soo djhamaatay 4 Gool ee reer Atlanta iyo EBER reer OHIO..

waxaana halkaa garoonkii ka baxay Taageerayaashi reer Atlanta oo Faraxsan.waxaanu is aragaa uu ahaa mid aad iyo aad u farxad geliya Labada Guddi Isboorti.

W/D Dr.Ali Osman




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line