S
Home|


SOMALI UNITED CHAMPIONS RAMADAN CUP TORONTO 2007

Kooxda Somali United ayaa si xarago leh ugu quleeysatay Ramadan Cup 2007, kadib markii ay ciyaarta finalka kaga badisay kooxda Maanta Computers. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxay goolka ku hormartay kooxda Maanta Computers iyadoo ciyaarta qeybteeydi hore lagu kala nastay 1-0. Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda United ay dar dar xoog leh la so galeen garoonka, iyagoo halkaasi 2 gool oo isdaba joog ah ka dhaliyay. Markii ciyaarta ay ka harsaneyd hal daqiiqo oo keliya ayaa kooxda Maanta Computers ay heleen goolkoodi bar bardhaca. Sidaana ciyaarta ay ku soo gaba gabowday 2-2. Waqtigii dheeraadka ahaa ee loogu daray ayaa labadan kooxood ay wax gool ah kala dhalin wayeen sidaana waxaa si toos ah loogu dhigay rigoreyaal (Penatly). Rigooreyaalkan ayaa waxaa ku awood sheegtay kuna badiyay kooxda Somali United halkaana ku hanatay koobkii ay in muddo ahba sugeysay. Waxaa xusid mudan in kooxdan United ay seddax jeer oo isku xigto ay yimadeen finalka kuwaasi oo kala ah Ramadan Cup 2006, Ohio Cup 2006 iyo Somali Week 2006. Iyadoo intaba galay kaalinta 2aad. Waxaanu leenahay HAMBALYO Maxamed Yare iyo kooxdiisa Somali United.