• Tartanka Jaaliyadaha Qatar Oo Si Xiiso Leh U Socda


Kooxda kubadda cagta ee jaaliyadda soomaaliyeed ee dalka Qatar oo ka qaybgalaya tartan sanad waliba lagu qabto dalkaasi ayna ku tartamaan dhamaan jaaliyadaha safaaradaha ku leh dalkaasi ayaa xalay jaaliyadda talyaaniga ku suuldaartay 5-0.

Cayaartan oo xalay ay kooxda jaaliyaddu uga hortagtay jaaliyadda dalka Talyaaniga ayaa waxa ay kooxda soomaliyeed soo bandhigeen cayaar aad u raali gelisay shacabkii iyo waliba safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Ismaaciil Qaasim Naaji oo asaguna uga soo qaybgalay cayaartan si uu u dhiirigeliyo cayaartoyda jaaliyadda.

Ka hor intii aysan bilaaban cayaartu ayaa waxa ay dad badani qabeen in xulka Talyaanigu u awood sheegan doono dhalinyarada Soomaaliyeed balse ay fikirkaasi ka laabteen ka dib markii ay indhahooda ku daawadeen qaab cayaareedka sare ee cayaartoydii jaaliyadda Soomaaliya.

Xulka jaaliyadda Soomaaliya ayaa ku jira group ay ku wada jiraan xulalka jaaliyadaha dalalka Talyaaniga, Masar iyo Bosnia ayagoo cayaartooda labaad oo si aad ah loo wada sugayana uga hortagi doona jaaliyadda dalka Masar haddii alaha awoodda lihi ogolaadana aad natiijadeeda kala socon doontaan shabakaddan.

 

W/D Naasir Mohamed Ali - Doha, Qatar
naasir7171@hotmail.com

 



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line