• Qardhaas oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Munaasabad ay kasoo qaybgaleen Gudiga olompikada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo guud ahaan bahda isboortga masuuliyiin kaladuwan iyo martisharaf kale ayaaa waxaa ay ujeedadeedu ahayd mid markaasi gudiga olombikada KGS uu ku dooranaayey gudoomiye ayaa waxa ay maanta kadhacday Magaaalada Baydhabo ee caasimada K/galbeed.
Gudoomiyaha gudiga doorashada Cabduqadir Shariif Xasan ayaa ujeedada kulanka kawarbixiyey.
Gudigan Olombikada ee gudoomiyaha dooranayey ayaa waxaa ay kala matalayeen Gobolada Shabeelaha Hoose,Jubada Dhexe, Jubada Hoose, Baay, Gedo iyo Bakool waxayna gudoomiye udoorteen Aadan Cabdi Maxamed Qardhas oo xiliga ladooranaayey hawloshaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Dorashada oo udhacday mid gacantaag ah waxaa natiijada doorashada kudhawaaqay Gudoomiyaha Isboortiga Gobolka Baay ahna Gudoomiyaha gudiga doorashada Cabduqadir Shariis Xasan.
Sidoo kale waxa gabagebadii munaasabada dorashada hambalyo ku aadan qaabka doorashada soo jeediyey qaar kamid ah dadkii waxdoortay iyo Marti Sharaf kale.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGII QARDHAAS

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line