• Guddiga Jaaliyadda iyo Kan Sportiga ee Atlanta Oo Casumay Sh. Sharif


Madaxweynihii hore ee Somalia Sh. Sharif iyo Dr Cali Cisman

Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay diyaariyeen Guddiga Somali-Americal Community Center iyo Somali Isboorti and Culture of Atlanta ayaa dhawaan waxa lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka taa oo casumay Madaxweynihii hore ee Soomalia Mudane Shekh Sharif Shekh Axmed,waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay dhamaan Jaaliyadda reer Atlanta iyadoo aan loo kala harin si loo marxabeeyo Mudane Shekh Shariif oo ka mid ahaa Madaxweynayaashii dadaalka weyn muujiyey intii uu xilkaasi hayey.


Waxaa ugu horeyntii halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Mudane Maxamed cabdulaahi Gabeyre oo marka hore u Mahadceliyey Madaxweynaha sida qiimaha leh uu uga aqbalay Casuumadda ay Reer Atlanta u fidiyeen taa oo runtii reer Atlanta u noqon doonta mid aysan waligood iloobin,waxaana uu Madxweynaha ka codsaday in aysan noqonin safarkii ugu dambeeyey oo uu ku yimaado Magaaladda Atlanta.


Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-American Mudane Inj. Cumar Shekhey ayaa waxa uu halkaa ka xusay Taarikhda Magaaladda Atlanta iyo marxaladihii kala duwan ay soo martay,waxaana uu Madaxweynaha Mudane Shekh Sharif ugu hambalyeeye shaqadii uu ummadda Soomaaliyeed u soo qabtay intii uumajaraha Wadanka hayey,waxa kaloo In Cumarow uga warbixiyey sida ay Jaaliyadda reer Atlanta ay u mideysanyihiin wax kastana ay si isku duubnaan u fuliyaan,waxaana uu Mudane Cumarow Tusaale u soo qaatay in Reer Atlanta ay meydka wada duugtaan taa oo ah mid dadka degan Atlanta ay xurmad ku heleen ayuu warkiisii ku soo dhameeyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Cumar Shekhey.


Waxa ka dib cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta kana mid ah Aqoonyahanadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu warbixintiisa diiradda ku saaray waxqabadkii Mudane Shekh Shariif Shekh Axmed Mudadii uu Madaxweynaha ahaa,waxaana uu carabka uu ku dhuftay sidii Madaxweyne Shekh Sharif uu ahmiyadda u siiyey soo celintii Qaraamadii uu lahaa Qaranka Soomaaliyeed,soo nooleyntii Xiriirkii Calaamka,dib u dhaqangelintii soo nooleyntii Safaaradaha Soomaaliyeed si wax loogu qabto Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool addunyadda dacaladeyda kala duwan,abuuritaankii ha'yadihii Amniga,dib u hawlgelintii Xabsiyadii dalka,Ciidamadii Boliska iyo Xooga Dalka Soomaaliyeed oo uu isugu geeyey wax alla waxii awood ah sidii labadaa Ciidanka loo dhaqaajin lahaa,unkidii Raadio Muqdishu iyo Telefishinka Qaranka si loo helo habka ugu wanagsan ee la isugu gudbiyo akhbaaradka iyo macluumaadka guud,waxa iyana in la xuso u baahan sidii uu Madaxweynihii hore uga soo dhex muuqday Furitaankii iyo Xiriitaankii Tartankii Degmooyinka Gobolka Benaadir ee Kubadda Cagta oo uu abaabuklkeedu lahaa Mudane Maxamud Axmed TARZAN Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaaladda,Tartankaasi oo ahaa midkii ugu dawaasho badnaa inta la xusuusto,waxaana uu ra'yiga caalamka uu ku soo kordhiyey in maanta ay Ummadda Soomaaliyeed ay Cagta saartay wadadii nabadda,arrinta anigoo ku hadlaayo Magaca Halyeeyadda Isboortiga Soomaaliyeed oo muddo 40 sano iyo in ka badan ku soo dhexjirnay Abaabula Isboortiga Abaal uga haynaa Mudane TARZAN oo garanaayo in Isboortiga lagu dhalin karo nabad iyo is dhexgal,anigoo waliba raacsiisanaayo Guushii uu u soo hoyiyey Gobolka Benaadir Tartankii Goboladda ee lagu qabtay Magaaladda Garoowe iyo sida uu Maamulkiisa ugu dadaalay in la soo celiyo bilicdii Magaaladda Muqdishu Caasimadda Jamhuuriyadda Soomaaliya,waxaana uu Dr. Cali Cusmaan Cali warbixintaasi ku kasbaday Sacab badan,waxaana uu ku soo dhaweeyey Madaxweyna Shekh Skarif.
Madaxweynaha waxa uu marka hore u mahadceliyey dadkii soo qabanqaabiyey Xafladaan sharafta leh oo ay ugu horeyso Jaaliyadda Somali-Amerikaan,waxa kaloo uu u mahadceliyey dadweynaha Soomaaliyeed ee degan Magaaladda Atlanta,isagoo sheegay intii Magaalo oo aan soo booqday ay Magaaladda Atlanta igu reebtay Taarikh aan waligey iga tirtirmeynin,waxa kaloo Madaxweynaha uu dadweynaha Soomaaliyeed u sheegay in aanu soo qabanay shaqo ruuntii aad iyo aad u dhib badan.laakiin xilka nala saaray ayaa na farayey in aanu albaab kastaba u garaacno si Ummadda Soomaaliyeed la iskugu dumi lahaa,loona tusi lahaa jidka wanagsan oo saamaxaayo in mar kale Soomalia ay cagaheeda ku istaago,waxaan u bareernay in aan habeen iyo maalin shaqeyno,in aanu juhdi badan gelino sidii qaranimadii haadanta laga tuuray u soo celin laheyn,waxaan har iyo habeen ku dadaali jirnay in is faham laga dhex abuuro Ummadda dhexdeeda,arrimahaasi oo dhan waxaad mooda in laga gaaray guulo lagu xusuusan doono dawlidii aan madaxda ka ahaa,wallow uu noo dhiman yahay waxyaabo badan oo caqabado badan oo uu dhaqaalaha ugu horeeyo na hor istaageen,laakiin dadaalkeena halkii aanu ka sii wadnay,waxa kaloo aan ummadda Soomaaliyeed u ifiyey in lagu dhaqmo habka Democratic ah oo la ogolaado haddi cod dheeri ah lagaaga guuleysto,waxaana halkaa Shekh Sharif loogu tumay sacab iyo alalaase iyado halkii lagu qaaday heeskii caanka ahaa ee SOMALIU=YEY TOOSO,TOOSA ISKU TIIRSADA,HADBA KIINA TAAG DARAN,TAAGEERA WALIGIIN,Waxayna xxafladii ku soo dhamaatay si heer sare ah
.


 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line