• Xiddigi hore ee kooxda Jeenyo iyo xulka Qaranka Maxamed Xaaji oo wareysi siiyay xiddigaha.ca

     

 

Xiddigi hore ee kooxda Jeenyo "LLPP" iyo xulka qaranka kubadda cagta Maxamed Xaaji Aadan, oo soo booqday xafiiska shabakada xiddigaha.ca iyo wargeyska Somali Canadian Times ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanay.

Maxamed Xaaji ayaa waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ah sida kooxaha iyo weliba ciyaartooyda qaar ay u aminsanayeen DHAAWGA "Sixirka". Maxamed ayaa dhowr tusaale usoo qaatatay arrintan.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay sababta keeni jirtay in Naadiyada iyo xulka Qaranka Soomaaliya ay inta badan guul darro la so hooyan jireen.

Maxamed Xaaji ayaa si weyn u eedeeyay xiriirka kubadda cagta, isagoo sheegay iney si joogto ay u faragelin jireen shaqada tababarayaasha.

Ugu dambeyntii M. Xaaji wuxuu ka hadlay dad uu ku magacaabay MACAWISLAYAAL oo uu sheegay iney ahayeen dad aan weligood kubad ciyaarin, balse mushaaharka ciyaartooyda qaadan jiray iyagoo ku jiray liiska ciyaartooyda.

Wareysigan oo Maqal iyo Muuqaal ah halka sare ka daawo

W/D Mohamed Busuri
Mbusuri@xiddigaha.ca




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line