• Koobka Wanka Oo Lagu Qaban Doono Hiiraan

Nijmegen 08.05.2009. Waxaa magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan lagu qaban doono bisha maarso 15/05/09 hadii Eebe idmo koobkii Nabadda, koobkaas oo loo yaqaan koobka Wanka oo ayna ku tartami doonaan Degmooyinka Buulo Burte iyo Beledweyne ,

Waxaa sanadkaan koobka Wanka xaga qalabka Sportiga ugu deeqay Gobolka Hiiraan ururka leicester stars Gudoomiyahooda Abdullahi Saney iyo kuxigeenkiisa Oma Jama,, waxaa kaloo gacan ka geystay Hiiraan online oo had iyo jeer diyaar u ah horumarinta Gobolka, isla markaana waxaa figrada qabashashada koobka leh ciyaartooydii hore ee Gobalka Hiiraan eek u dhaqan dalka Ingiriiska..

koobkan Wanka oo dadka Hiiraan ku dhaqan ay si wanaagsan taariikh ahaan u yaqanaan ayaa noqonaya markii labaad in lagu qabto Gobalka Hiiraan, halka marka hore lagu qabtey magaalada Beledwayne laakinse sanadkaan ayaa waxa isaga hor imaan doono magaalooyinka Beledwayne iyo Buulo Burte sida uu ii sheegay Gudoomiyaha qaban qaabada tartanka Wanka mudane Muse Axmed Sabriye oo ka mid ahaa ciyaartooydii Gobalka Hiiraan iyo naadiyada Kubadda Kolayga heerka kowaad ee dalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada London in ay qorshaynayaan sanadka dambe in tartanka Wanka ku baahin doonaan dhamaan Gobalka Hiiraan, isla markaana ay ka soo wada qayb gali doonaan degmooyinka Gobalka Hiiraan guud ahaan si tartanka Nabada loogu baahiyo gobalka .

waxaa soo qabanqaabiyey koobkan cayaartoydii hore gobolka.

Gudoomiyaha koobka Nabada ama koobka Wanka 2009 mudane Muuse Axmed Sabriye
1-Cabdiraxmaan Maxamuud Guhaad[Shiino]
2-Axmed Ilmi Faarax
3-Cabdulqaadir Maxamed Faarah[Biriq]

Wixii talo ah ama taageero ah kala soo xiriir gudiga qaban qaabada koobka Wanka taleefinada [Shiino 07949240665][biriq 07939163431].

Koobka Wanka oo lagu qaban doono magaalo madaxda Gobalka Hiiraan iyo ciyaarta dhaxmari doonto kooxaha Baladwayne iyo Buule Burte dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa hadii Eebe idmo.

W/D: Yusuf Yusuf

Sports Editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

Nijmegen

Holand


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line