• Halyeey Cabdi Bile oo kala qaybgalay jaaliyadda Minnesota tartan Orod ah

     

Halyeeygii Soomaaliyeed ee ku guulaystay orodka biladda dahabka ee adduunka 1.500m (World champions 1987), Cabdi Bile Cabdi oo isagu maalmahan ku sugnaa gobolka Minnesota ayaa Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota iyo kuwa ajaaniibta ahba kala qaybgalay tartan orod ahaa oo masaafadiisu ay ahayd 3 1/2 (Saddex mile iyo bar)

Halyeey Cabdi Bile ayaa waxay ujeedada socdaalkiisa ka tarjumaysay casuumaad ay u fidiyeen hay'adda qaxootiga ee ARC oo iyadu gacan ballaaran u fidisa jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota, sidoo kalena waxaa ay hawlo samafal ah ka fulisaa meelo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Dad faro badan oo isugu jiray madaxda jaaliyadda Soomaalida ee gobolka, hawlwadeenada xawaaladda Dahabshiil ee Minnesota iyo hawlwadeeno isugu jiray ajaaniib iyo Soomaali ka hawgala hay'addan ayaa munaasabaddii orodka ka hadlay waxaana ay aad ugu dheeraadeen hawlaha ay hay'addan u qabato ummadda Soomaaliyeed.

Halyeey Cabdi Bile oo markiisa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay ayaa u mahadceliyay dhammaanba dadkii ka soo qaybgalay orodka oo isugu jiray caruur, waayeel, dhallinyaro iyo ajaaniib intaba , waxaana uu ka hadlay isboortiga iyo faa'iidada uu u leeyahay bani'aadamka iyo sida loogu baahan yahay in shakhsi kastaa oo soomaaliyeed uu ku tabaruco aqoontiisa iyo maalkiisaba wax u qabadka dalkii hooyo oo dagaaladu ay aafeeyeen muddo ka badan 20 sannadood.

Qaabka Orodka uu u dhacayay oo isugu jiray Orod,Ruclayn iyo socod ayaa Halyey Cabdi uu u horkacay boqolaal dad ah oo iyagu aad u xiisaynayay ka qaybgalka tartankaasi orodka ah iyo waliba aragtida halyeeygaasi Soomaaliyeed.

Waxaana halkaasi madadaalo isugu jiray heeso iyo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay fannaaniinta gobolka Minnesota qaarkood.

Munaasabaddaasi ayaa ku soo dhammaatay si farxad leh.

By: Shiikha

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line