• GUUL GUUL: AFRICAN-CANADIAN SC (AFRO-CAN SC) – CERTIFIED COACHES

 

Wuxuu tababar aad iyo aad u qiimo badan u soo xirmay tababarayaasha Kubadda Cagta ee naadiyadda ku midoobay daladda AFRO-CAN SC, kuwaas oo kala ah Horseed SC, Hilaac SC, Dixon FC, iyo Hamilton Lions.
Tababarkan oo in muddo ah socday ayaa waxaa tababarayaashan si buuxda loo guddoonsiiyey shahaadooyinka kala ah “ Active Start” iyo “FUNdamentals”. Tababarkani waa kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo lagu qabto wadanka CANADA. Waxaa waagii hore loo aqoon jiray “ Level 1” iyo “Level 2”.


Waxaa tababarkan qayb libaaxa ka qaatay ilaa iyo 20 macalimiin iyo madaxda sar sare ee“Ontario Soccer Association - OSA” si ay ugu kuurgalaan casharadan oo ahaa kuwo la casriyeeyay lana socon kara TECHNOLOGY adda cusub. Macalinkii kowaad ee tababarkan ayaa wuxuu ahaa:
Bobby Lennox (OSA Master Learning Facilitator).


Waa markii ugu horeysay ee tiro intaas le’eg oo tababarayaal kubadda cagta ah oo Somali ah waddankan CANADA oo dhan ay xaqiijiyaan inay gacanta ku dhigaan shahaadooyinka tababaranimo ka dib markii ay arkeen baahidda ay COMMUNITY geena iyo caruurteenu u qabaan inay helaan tababarayaal aqoon durugsan u leh shuruucda, xirfadaha, iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah in caruur iyo ciyaartooy la ababiyo.
Wargeyska Somali Canadian Times iyo shabakadda www.xiddigaha.ca waxay idin leeyihiin HAMBALYO, dadaalkiinana halkaas ka sii wada. Magacyadda tababarayaasha “Certified”.
1. Dirie Bile
2. Dahir H. Hussein - Marshale
3. Mohamud A. Dhore
4. Hassan Harbi
5. Mohamed Busuri
6. Ahmed Bakari - Mahamaadi
7. Ali Mahamud – Ali Baba
8. Jamal Dirie
9. Abdikarin Agil-Jibril - Codka
10. Abdimalik Abdisamed
11. Abdirashid Da'ar

Ilaahay ha idinka dhigo kuwa anfaca ubadkooda iyo ummaddooda.
Eng. Abdisamed Sheik-Qasim

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line