• SEMCY OO U AWOOD SHEEGATAY DIXON FC

Waxaa Magaalada Toronto ka furmay Horyaalkii 3aad ee Afro-Canadian 2013. Tartankani ayaa waxaa ka soo qeybgalay affarta kooxood ee iyagu ku bahoobay ururkan Afro-Canadian oo kala ah Dixon, Semcy, Hilac iyo Horseed.

Uruka Afro-Canadian ayaa waxaa Guddoomiye u ah xiddighii hore ee kooxda Batroolka iyo xulka qaranka Mukhtar Maxamed Axmed "Mukhtar Cuti".

Kooxahan ka soo qeybgalay tartankan ayaa waxaa loo qeybiyay affar qeybood oo kala ah: Group A: oo ay ku loolami doonaan ciyaartooyda ay da'dooda ka hooseyso 8 jir (U8). Group B Ciyaartooyda ay da'dooda ka hooseyso 10 jir (U10). Group C: Ciyaartooyda ay da'dooda ka hooseyso 12 (U12). Group D: Ciyaartooyda ay da'dooda ha hooseyso 14 jir (U14).

Qeyb waliba waxaa ku wada jira affar kooxood oo iyagu min laba jeer is arki doona (Andata & Ritorno). Horyaalkani ayaa waxaa ku guuleysan doonataa hadba kooxdii ugu dhibcaha badsata.

Ciyaartii furitaanka ee horyaalkani ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Semcy(U12) iyo Dixon (U12). Labadan kooxood ayaa iyagu soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan oo ay dadkii ka soo qeybgalay ay aad ula dhaceen.

Bilowgii ciyaarta waxaa goolka ku hormartay kooxda Semcy waxaa goolkaasi u dhaliyay Cadil Cawil oo labmark 7aad u sitay.

Sabir ayaa isagan gookii bar bar dhaca u dhaliyay kooxdiisa Dixon.

Kooxda Semcy oo ka carootay gookani laga dhaliyay ayaa weerar aan kala go' lahayn ku qaaday gooka Dixon iyagoo 3 gool oo kale halkaasi dusha u saaray Dixon.

Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa lagu kala tagay 4-1 oo ay Semcy ugu awood sheegatay Dixon. Affarta gool ee Semcy ayaa seddax ka mid ah waxaa u dhaliyay Cadil Cawil, halka goolka affaraad uu shabaqa ku hubsaday Darman Xassan oo ku magac dheer Mahdi.

SEMCY OO MAR LABAAD DHULKA DHIGTAY DIXON

Qeybta ciyaartooyda ay da'dooda ka hooseyso 14 jir (U14) ayaa haddana waxaa wada ciyaaray kooxda Semcy iyo Dixon. Semcy oo aa moodo iney u ciil qabto Dixon ayaa sidoo kale mar kale 4-1 dhulka ku dhigtay.

Goolasha Semcy ayaa waxaa u kala dhaliyay: Tyriss oo 2 gool shabaqa ku hubsaday. Yonis iyo Cabdullahi ayaa isaguna min hal gool dhaliyay.

Gooka qura ee ay kooxda Dixon heshay waxaa Rigoor "Penalty" ku dhaliayy Loyan oo ahaa kabtanka kooxda.


 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line