• HORYAALKII 2012 EE AFRO-CAN SC OO OO SI XARAGO LEH U SOCDA

 


Waxaa garoonka Summerlea Park ee loo yaqaano Albion ka bilowday horyaalka 2012 ee caruurta da’doodu u dhaxayso 5 jirka ilaa 16 jirka ee naadiyadda ku midowbay Afro-Can SC oo kala ah Hilaac SC, Horseed SC, Dixon FC iyo Hamilton Lions.
Waxaa ciyaaro qurux badan oo xiiso badan ay Axaddii ku dhexmartay U9 ka Dixon FC iyo HamiltonLions oo ku dhamaaday barbaro 1-1 ah. Waxaa ciyaartii labaad ay dhexmartay isla U11 labadaas naadi waxayna guushu 5-4 ku raacday naadiga Dixon FC.


Talaadadii ay taariikhdu ahayd 22ka May ayaa waxaa wada ciyaaraey U9 ka Hilaac SC iyo Horseed SC waxayna 2-0 guushu ku raacday caruurta Horseed SC waxaa ciyaartii labaadna wada ciyaarey U11 ka labadaas naadi waxayna 3-1 guushu ku raacday naadiga Hilaac SC.


Maalinimaddii Jimcaha ay taariikhdu ahayd 25 kana waxaa wada ciyaaray U13 isla labadda naadi ee Hilaac SC iyo Horseed SC. Ciyaartani waxay ahayd mid aad u xiiso badan oo aan inaba weerarka la kala qaadin, waxay guushu si halhaleel ah ku raacday kooxda Hilaac SC oo iyadu 2 gool ku hormartay balse culeys aan kala go’ lahayn lagu hayey nuskii dambe ee ciyaarta iyadoo fursado badan iska lumisay ciyaartiina ay ku soo gabagabowday 2-1.


Waxaa sidoo kale Axaddii ay taariikhdu ahayd 27 ka May ay ciyaar kulul dhex martay U13 ka Dixon FC iyo Hamilton Lions’ ciyaartaas oo ka dhacday magaaladda garoonka weyn ee dugsiga sare Sr J Mcdonald ee magaaladda Hamilton waxayna ciyaartu ku soo gabagabowday 4-1 loogu itaal sheegtay kooxda Dixon FC. Ciyaartii labaadna waxaa wada ciyaaray isla U15 ka labadda naadi waxay natiijaddii noqotay 3-1 ay guushu ku raacday kooxda Hamilton Lions oo sidii libaaxii wax u raamsanayey. Haddaba akhriste kooxda Hamilton ayaa ka kooban caruur iyo dhalin yaro wadanka ku cusub oo wada leh xirfad ciyaareed iyo waliba dhiig kulul,


Ciyaaraha xiga waxaa wadda ciyaaraya Jimcaha soo socda ee ay taariikhdu tahay 31 ga May, U9 iyo U11 ka labadda naadi ee kala ah Dixon FC iyo Horseed SC waxayna ciyaartaasi ka dhici  doontaa garoonka Summerlea Park ee u dhow Alcuruba. Axaddana waxaa wada ciyaaraya Hilaac SC iyo Hamilton U9 iyo U11.
Waxaa mahad leh maamulka iyo waalidiinta wakhtiga badan siiyey caruurtan.

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line