• Cayaaryahano Ajaanib ah oo kusoo qul qulaya Soomaaliya

Kororka tirada cayaaryahanada ajaanibta ah ee kusoo biiraya horyaalka kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa ah astaan weyn oo muujineysa horurmarka kubada Cagta Soomaaliya.

Sanadkii lasoo dhaafay ayaa markii ugu horeysay waxaa horyaalka Nation Link Telecom ee dalka Soomaaliya kusoo biiray ilaa iyo 8 cayaartoy oo ajaanib ah, waxaana naadiga hada horyaalka heysta ee Banadir Sports Club loo aqoonsaday in uu horseed u noqday lasoo wareegida cayaartoyda ajaanibta ah ee dalka imaanaya.

Laakin hada iyadoo muddo bil ah ay ka dhiman tahay xilliga lagu wado in uu furmo horyaalka Nation Link Telecom oo ah tartan isboortiyeedka ugu shacbiyada badan dalka Soomaaliya ayaa waxaa kordhay tirada cayaaryahanada ajaanibta ah ee dalka imaanaya, iyadoo naadiyo badan ay cayaartoy lasoo wareegeen.

“Imaatinka cayaartoyda ajaanibta ah ee dalka waa talaabo aad u xusid mudan—ilaa iyo 6 naadi oo ka tirsan horyaalka Nation Link Telecom ayaa hada lasoo wareegay cayaaryahano badan oo ajaanib ah, taasina waxay talaabo la taaban karo oo muuqata u tahay Soomaaliya oo hada kasoo kabsaneysa dagaalo muddo dheer socday iyo fowdo dalka la dagay”ayuu war saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay madaxa xafiiska warfaafinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Shaafici Muxuyadiin Abukar (ISLOW).

Waxaa uu sheegay in ka muuqashada cayaartoyda caalamiga ah ee horyaalka Soomaaliya ay tahay arrin aad ugu wanagsan suuq geynta kubada cagta dalka Soomaaliya oo dhaqaale ahaan ku tiirsan kaalmada yar ee laga helo FIFA.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in jawiga dagagaasho la’aanta ah ee ka jiray Soomaaliya uu xanibayay in dalku uu helo shirkado wax sponsor gareeya laakin hada oo Soomaaliya ay kasoo kabsaneyso qalalaase iyo dagaalo muddo dheer jiray xaalku wuxuu kusoo laabanayaa si caadi ah waxaana xiriirka iyo naadiyadiisuba ay hada quudareynayaan in la helo shirkado gudaha iyo dibada ah oo sponsor gareeya kubada cagta Soomaaliya.

“Kubada cagta Soomaaliya hada waxaa ay kasoo kabsanaysaa dhaawacyadii ay u geysteen dagaalo iyo deganasho la’aan dalka la dagan mudo ka badan 20 sanadood, waxaase hada dib u furantay wadadii horumarka”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay madaxa xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Shaafici Muxuyadiin.

Halkan hoose ka aqriso magacyada cayaartoyda ajaanibta ah ee dalka ku sugan, naadiyada lasoo wareegay iyo wadamada ay u kala dhasheen.

HEEGAN FC: Mohamed Zubairu (Nigeria), Samsoniyke Chukwu (Nigeria)
GAADIIDKA: Lehman Meheso Mwenza (Kenya)
SAHAFI FC: Ambrose Mumo kula kalatai (Kenya)
ELMAN FC: Elungat Martin, (Uganda) Ntaabazi Mubiru Eddie (Uganda) and Mugsha Ivan (Uganda).
DEKADDA: Zubeir Yossuf Oduori (Kenya) OKoro Mattias Ogbokiri (Nigeria)
BANADIR SPORTS CLUB: Marcel Odhambo Oyugi (Kenya) Thomas Mwancu Cuihobi (Kenya) and Mustapha .I. Maxwell (Nigeria).
By Cumar Ibraahim Cabdisalaam

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line