• IOC Oo Abaalmarin Siiyay Cabdi Qeybdiid

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ay soo qaban qaabisay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed. Xaflada ayaa waxaa haddiyada lagu guddoonsiiyay taliyaha ciidanka booliska soomaliyeed Cabdi Xasan Cawaale "Cabdi Qeybdiid".
Abaalmarintan ayaa ah mid ay bixiso oo Olombikada caalamiga ah ee IOC. Ulajeedada abaalmarinta ayaa ah in lagu dhiirigeliyo hadba shaqsiga gacan ka geesta horumarinta iyo dhiirigelinta Sportiga.
Munasibadan ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay Wasiirka dhallinyarada iyo sportiga Suleymaan Colaad, oo ka codsadey bahda booliiska ee heegan iyo kuwa xooga dalka ee horseed in ay ka shaqeeyaan sidii qeybaha kala duwan ee sportiga dib loogu soo nooleyn lahaa.
Wasiirka wuxuu amaan gaar ah us oo jeediyay Naadiga Heegan isagoo ku amaanay dhaq dhaqaaqa sport ee ay iminka ka wadaan dalka iyo dibaddaba.
Sidoo kale waxaan amaan taa la mid ah Naadiga Heegan usoo jeediyay Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliyeed Xaaji Yabarow wiish.
Ugu dambeyntii waxaa isguna halkaakasi ereyo mahdcelin ah ka soo jeediyay taliye Cabdi qeybdiid isagoo ballan qaaday inuu halkiisa ka sii wadi doono dhiirigelinta sportiga Soomaaliyeed
Dadkii ka soo qeybgalay xafladan ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha maamulka gobolka Banadir mMaxamed Cismaan Dhagaxtuur, taliayaha ciidanka xooga dalka Dhuumaal,

gudoomiye ku xigeenka GOS Xasan Axmed Elman, Guddomiyaha xiriirka kubadda cagta mudane Saciid Muganbe, ku xigeenkiisa Cali Siciid Guleed iyo qaar kale.
Dadweynihii isugu yimid xafladan ayaa waxaa si weyn u madadaaliyay kooxda Heegan iyagoo halkaasi ka qaaday dhowr hees.


W/DMohemd Ali
Xiddigaha.ca, Xafiiska Muqdisho
mali@xiddigaha.ca


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line