• XIDDIGAHA OO 5-0 KU BURSATAY AL ARUBA

Waxaa magaalada Toronto si xiiso leh uga socda Summer Cup 2013 oo ay ku loolamayaan dhallinyarada cuslaatay. Ciyaartii dhacday shalay ayaa waxaa ciyaarta kowaad isaga horyimid kooxda Xiddigaha iyo Al-Aruba.

Al Aruba ayaa iyadu kullankeedi kowaad bar bardhac la soo gashay Hall of Fame. Halka Xiddigaha ay iyaduna hore uga soo guuleysatayy UBK Seniors.

Labadan kooxood ayaa garoonka la soo galay weerar iyo weerar celin. Wixii hadba koox la weerara Xiddigaha ayaa heshay rigoore "Penalty" kadib markii xerada ganaaxa lagu lagday Cabdi Aadan oo dhowr ciyaartooy kubadda la soo dhex maray. Rigoorahan ayaa waxaa goolka ku hubsaday Caga Weyne

Qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhamaatay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Xiddigaha.

Qeybti labaad ee ciyaarta ayaa kubadda waxay ka dheraan weyday goolka Al-Aruba, iyadoo ciyaartooyda Xiddigaha ay weear aan kala go' lahayn ku qadeen.

Markii ay ciyaartu mareysay 4-0 ayaa qaar ka mid ah ciyaartooyda Al Aruba ay garoonka isaga darereen. Markii ay kooxda Xiddigaha dhalisay goolkii 5aad ayaa kabtanka Xiddigaha Cabdalla Saalax "Faris" uu kooxdiisa ka codsaday inaaney gool kala dhalin si ciyaartooyda soo hartay ee Al Aruba aaney iyaguna garoonka isaga bixin!.

Garsoorihii ciyaarta ayaa ciyaartani kusoo gabagabeeyay 5-0 oo ay guusha ku raacday Xiddigaha. 5ta gool ee xiddigaha waxaa kala dhaliyay Caga weyne, Deeq Xalane, Khadar, Cabdalley iyo Cade

UBK Seniors Oo Mar Kala Dhinaca Dhulka Loo Dhiay

Kullankii labaad ayaa waxaa isaga hor yimid kooxaha Hall of Fame iyo UBK Seniors.

Kooxda Hall of Fame oo ay hogaaminayeen Cadare "Gattuso" iyo Xalane "Pirlo" ayaa bilowgii ciyaartaba weerar xoog leh ku qaaday goolka UBK Seniors. Markii ay ciyaarta socotay 5 daqiiqo oo keliya ayaa Hall of Fame ay dhalisay goolkii 1aad.

Kooxda UBK Seniors ayaa hurdada kasoo toosay markii laga dhalieyay 4 gool iyagoo seddax gool oo xiriir ah halkaasi ka dhaliyay.

Markii lees lahaa UBK Seniors waxay heli doonaan goolka bar bardhaca ayaa Xalane uu kooxdiisa Hall of Fame u dhaliyey goolkii 5aad.

Gabagabadii ciyaarta ayaa Hall of Fame ay guusha ku raacday 5-3.


 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line