• Amsfort Oo Ku Guuleysatay Koobka Amsterdam Voetbal Tournament

Amsterdam 30.05.2009. Waxaa magaalada Amsterdam lagu qabtey tartan kubada cagta ah oo ay ka soo qayb galeen kooxaha kale ah Hirda,Amsfort, Tilburg iyo Carailo.

Tartanka waxaa soo qaban qaabiyay ururka Hirda oo ay xaruuntiisu tahay magaalada Amsterdam dalka Holand.

Kooxda Tilburg ayaa ciyaartii ugu horeysay la yeelatey kooxda HIRDA, ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u adag isla markaana dadkii ka soo qayb galay ay la dhaceen ayaa ku soo dhamaatey 1 Goal oo ay kooxda Tilburg kaga badiso kooxda Hirda.

Ciyaartii labaad ayaa iyana iskaga hor yimid kooxaha kale ah Amrsfort vs Carailo ,ciyaartaan oo iyana si wanaagsan labada kooxood ay kubada u wada qaybsanayeen ayaa waxaa 2 Goal iyo waxba guushii ku raacday kooxda Amsfort .

Ciyaartii Finalka waxaa u soogudbay kooxaha kale ah Tilburg iyo Amsfort halka kooxaha kala ah Hirda iyo Carailo ay ka hareen koobka kadib markii laga soo badiyay ciyaarihii hore.

Ciyaartii Finalka ahayd oo dadkii ka soo qayb galay ay sugayeen inay daawadaan ayaa waxay ku bilaabatey dar dar iyo weeraro ay labada kooxood mid ba midka kale ku qaadayay, ugu dambayntiina waxay guushii ku raacday kooxda Amsfort oo 2 Goal iyo 1 Goal kaga adkaaday kooxda Tilburg, inkastoo kooxda Tilburg la sadaalinayay inay qaadi doonto koobka hadane kooxda Amsfort ayaa sadaalintaas tiri ka dhigtey waxbo kama jiraan kadib markii ay kooxda Tilburg ugu awood sheegtaan koobka Amsterdam Voetbal Tournament 2 Goal halka kooxda Tilburg ay iyana keentay 1 Goal,guushiina waxaa halkaasi ku qaaday iyo koobkii Kooxda Amsfort oo noqday horyaalka koobka Amsterdam Voetbal Tournament 2009 oo lagu qabtey magaalada Amsterdam.

Gabagabadiina waxaa halkaasi kale hadlay ururkii Hirda soo qaban qaabiyay koobka,iyadoo koobkana u bixiyay Xoghayaha Xiriiirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta mudane C/qani Siciid Carab .

W/D W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com

 

 



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line