• TARTANKII SANADLAHA AHAA EE ISBOORTIGA ATLANTA OO LA SOO GABAGABEEYEYā€¸

Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee magaaladda Atlanta ayaa qabanqabadda Isboortiga ee magaaladdani waxa uu soo bilaabay sanadku markuu ahaa 1999,isagoo soo qabanqaabiyey Tartamo Kubadda cagta ah iyo Kubadda Koleyga oo ay ka soo qeyb galayeen Halyeeyo Isboortga Soomaaliyeed Magac iyo Maamusba ku leh,iyadoo shucladii Isboorti ee la soo shiday mudda dheer ka hor ay weli ifeyso,taa oo ku timid dadaalka Guddiga Hogaaminta Isboortiga ee Atlanta oo ka kooban qubaro ku xeel dheer arrimaha kala duwan ee Isboortiga lagu hormariyo iyo iyagoo gacan ka helayeen saaxiibo badan oo u dhashay Dalka Mareykanka oo ay wada shaqeyn leeyihiin.

Waxa Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka uu sharaf weyn ku helay qabanqaabadii Isboorti ee la soo gabagabeeyey Novembertii aanu soo dhaafnay taa oo ugu wacneyd ka soo qeyb galka ay ka soo qeyb galeen Halyeeyo runtii Taarikhda Isboortiga Soomaaliyeed meel weyn uga jira,taa oo ay u khushuuceen Taageerayaasha Jilbeysan ee reer Atlanta,waxa garoonka soo buux dhaafinaayey dadka ku nool Atlanta si ay mar kale u arkaan Halyeeyadii soo daafacay Calanka Soomaaliyeed,isla markaana Calanka Soomaaliyeed ka dul taagay Garoomadda caalamiga ah ee Addunka,waxa qaar ka tirsan Jaaliyadda ku Nool Magaaladda Atlanta Afkooda laga hayaa iyagoo dhawr jeer ku celcelinaayo Abaalka ay u hayaan Guddiga Isboortiga ee Atlanta oo xusuus qaali ah na horkeenay Maanta,waxa kaloo Jaaliyadda ay iskuugu hambalyeynaayeen Guushaan weyn oo ay Atlanta ku talaabsatay,iyagoo Guddiga Isboortiga ka codsaday in ay dadaalkooda ay laba jibaaraan......waxayna hadalkooda ku soo gabagabeynayeen GUUL GUDDIGA ISBOORTIGA.

Waxaana Sanadkaan Tartankaasi ka soo qeyb galay Halyeeyada kala ahaa.Cabdirashiid Blastiko,Abukar Shiino<Mucjisadda Kubadda Koleyga Cabdulqaadir Shiikha,Abdirisaaq Ugaas,xasan Abati,Maxamuud Ciise,Cali Yuusuf,Cabdulaahi Dheere,Garsoore Caalami ee Kubadda Koleyga Cabdi Kaafi,Halyey Cali Bay,Marwo Fartuun,Marwo Geni,Marwo Nimco Kenyaati,Ciise Jaamac iyo Mudane DUE,Ciyaaryahan Aamaan,Tababare Cabdi Casiis Axmed Mahdi,Cabdirisaaq Marshaale.Nuune iyo Ciyaaryahanka Weyn ee Xamza S. Xamza.

Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali ayaa waxa uu cadeeyey in Isboorti ka hirgeleyn Magaaladda Atlanta haddi aysan u istaagi lahaeyn Xubnaha halkaan aan ku soo qaadan doono oo runtii u huray waqti si uu u hirgalo Isboortiga reer Atlanta.

Aweys Muse Arbow(Aweys Fuundi)....waxa uu xil weyn iska saaray la xiriirka Kooxaha ka soo qeyb galaayo tartankaasi iyo sidii loogu heli lahaa agabkii lagu maamuli lahaa,waxa uu arrintaasi uu u garaacay albaab kasto isagoo ku guuleystay in uu ka dhaadhiciyo ganacsatadda Reer Atlanta ahmiyadda uu Isboortiga Bulshadda u leeyahay,waxaan taa ka marneyn ka qeyb galka Farsamadda ee Kooxaha Reer Atlanta madaama uu ahaa Ciyaaryahan Taarikh ku leh Kubadda Cagta gaar ahaan Kooxdii Horseed iyo Xulka Qarankaba,Aweys oo hadda ah Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Isboortiga kana mid ahaa Aasaasayaashii Gudigaani Sanadkii 1999,waxa uu mudana yahay in Mahad ballaran loo gudbiyo juhdiga uu galay hirgelinta Barnaamijkaasi.


Mudane Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo) oo ka mid ahaa Kooxdii Kubadda cagta ee LLPP isla markaana Xubin ka soo noqday Xulkii Qaranka Kubadda cagta ahna Tababaraha Kooxaha Jubba iyo Xoghayaha Guddiga Isboortiga ee Guddigani iyo Saaxiibkiis Cabdiqani Abuu,waxaan ka marqaati kacayaa ka Gudoomiye ahaan in aysan aheyn oo keli ah Tababarayaal laakiin ay dhalinta ku abaabinayeen asluubta wanagsan iyo sidii loo bari lahaa kala dambeynta,waxa ay diiradda saareen tababarayaasha in Caruurtaasi la baro xiriirka ay la yeelanayaan Waalidiintooda,waxayna Tababarayaasha ku fara adeegeen in Caruurta laga weeciyo waxyaabaha Mustaqbalkooda waxyeeleyn kara,Tababare Caydiid iyo Kaaliyihiisa Abuu ay ku guuleysteen in Waalidiinta Caruurta dhalay ay la garab istaagaan hiil iyo hooba iyagoo aad ku arkeyso Garoomadda Ciyaarha lagu qabanaayo una sacabo tumaayo Caruurtood,taa oo ah midda aanu ku qiimeyneyno waxqabadka Tababarayaasha,waxaana ugu dambeyntii ku boorinayaa in ay labanlaabaan shaqadaasi quruxda badan oo ay Bulshadda Atlanta ay u hayaan.

Sidoo kale Waxaan Amaan aan la koobi karin halkaan uga jeedinayaa Mudane Jaamac Cali(Jaamacey) oo ka tirsanaaa Kooxdii Kubadda cagta ee Naadiga Muqdishu iyo Cabdirashiid Cabdulaahi oo u xilsaarnaa Arrimaha farsamadda ee Tartankaasi oo runtii qabtay shaqo ay ku muteysteen in aanu abaal uga hayno sidii xushmadda laheyd ay farsamadda Tartankaasi uga soo dhalaaleen,waxaana ka codsaneynaa in ay halkaa ka sii wadan dadaalkaas oo aan hubo in ay u aayi doonaan shacabka ku noolMagaaladda Atlanta.

Tartamadaasi waxa Furay Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta Mudane Inj. Cumar Sheekhey oo u huray wax alla waxii awoodiisa aheyd oo uu ku hirgeli karo Barnaamijkaas Isboorti,iyadoo dadweynaha reer Atlanta ay abaal uga hayaan sida markastaba ugu heelan yahay dhadhaqaaqyadda bulshadda lagu hormarinaayo,waxa sidoo kale Mahadnaq aan la koobi karin u celineynaa Mudane Inj. Cabdinasir Dhalca oo ka socday RAADIYO QARAN oo runtii tebinta qeyb weyn ka qaatay,iyadoo RAADIYO QARAN la'aantiisa aysan hawlo badan fuleen.
Waxa Sanadkaan koobkii ugu muhimsanaa ku guuleystay Koox ka socotay Magaaladda Atlanta oo ku ciyaareysay Magaca XAAWO CABDI FOUDATION oo uu hogaaminaayey Mudane Cabdi Isaaq oo ka tirsan Jaaliayyada Reer Atlanta oo wax badan u soo qabtay Shacabka Reer Atlanata,iyado mahad balaaran loo gudbinaayo.

NATIIJOOYINKII TARTAMADAASI KALA DUWAN EE ATLANTA OO KOOBAN

1)Tartanka waxa uu socday Nov,28.29 iyo 30.

2)Dhalinta 8-12 Jirka waxa Ciyaartii kama dambeysta aheyd isugu soo baxay:
Mineapolis-Atlanta(waxyna Guushii ku raacday Mineapolis 3-2)

3)Kubadda Koleyga waxa wada Ciyaaray Halyeyadii berrisamaadkii Ciyaari jiray.
waxaana labadda koox aanu u kala bixinay JUBBA-SHABEELE.
JUBBA waxa ku Ciyaaraaye Reer Atlanta,Halka ay Shabeele ku Ciyaarayeen Ciyaartoydii ka timid Mineapoli iyo Ottawa.waxaana wada ciyarsiinay labo goor,waxaana labadii goorba ku guuleystay Kooxdii Shabeele ,waxaana dhibcihii isku darkooda ay noqdeen 118-112 oo si xarago leh ay Shabeele ugu guuleysatay.

4)Kooxaha da'doodu u dhaxeyso 15Sano-18Sano,waxaa Ciyaartii kama dambeysta aheyd isugu soo baxay Koox ka socotay Atlanta iyo Koox ka socotay Gobolka Tennesse,waxaana ay guushii ku raacday Gobolka Tennesse oo kaga badisay Atlanta 4-2.

5)Koobkii ugu muhimsanaa ee la wada sugaayey waxa Ciyaartii Finaalka isugu soo baxay Atlanta oo ku Ciyaareysa Magaca XAAWO CABDI FOUNDATION iyo Koox ka socotay OHIO,waxayna ay ahaayeern 23 jir iyo waxii ka weyn,waxaana ay guushii ku raacday ATLANTA oo kaga badisay OHIO 2-0.

Waxaana uu tartankii ku soo dhamaaday Guul iyo Reyn-reyn.


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line