• Tartamo Sporti Oo Atlanta Ka Furmay

     

Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Magaaladda Atlanta isagoo fulinaayo qodobadda Dastuurkiisa ayuu waxaa uu ku dhaqaaqay talaabo ku dayasho mudan ka dib markii uu soo abaabulay tartamo Kubadda Cagta ah oo ay ka qeyb galayaan dhalaan da'doodu u dhaxeyso 9sano-12sano,kuwa oo farsamo ahaan marka loo fiiriyo ah Ciyaaryahano u jajaban xirfadda Kubadda Cagta,waxaana Kooxahaasi gacanta ku hayey Halyey Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo)oo ka mid ah aasaasayaashi Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka isla markaana ah Tababare haysta Shahaado Kubadda Cagta oo ay bixiyeen ha'yado ka dhisan Magaaladda Atlanta ee looga dambeeyo soo saarida Tababarayaal aqoon durugsan leh.


Furitaankii Tartamadda waxa ka soo qeyb galay Bulsho weynta ku nool Magaaladda Atlanta oo ay ka mid ahaayeen Waaliidiinta dhalay Caruurta Tababarka loo furay,Guddiga Isboortiga,Guddiga Jaaliyadda iyo Xubno ka socday Ha'yado kaalmeeya arrimaha Bulshada iyo dhalinyaradda oo ay ka socdeen laba nin oo magacyadoodu kala yihiin TIM RICHARDSON (CEO.LEGACY INTERNATIONAL) iyo MIKE SPINO(ITEGRAL ATHLETIC TRAINING CENTER)oo labaduba saxiibo dhaw la ah Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka.


Waxaa ugu horeentii halkaa ka hadlay Tababaraha Kooxdaasi Mr. Caydiid Jeenyo iyo Kaaliyihiisa Mr. Jaamacey waxaayna si kooban uga hadleen marxaladihii kala duwanaa ay kooxdani soo martay iyo halka ay maanta joogaan farsamo ahaan,waxayna carabka ku adkeeyeen in ay haystaan Koox lagu kalsoonaan karo oo mustaqbalka daafici doonta Magaca Magaaladda Atlanta,waxay kaloo sheegeen in ay ka qeyb geli doonaa Tartamadda bisha March ka dhici doona Gobolka OHIO magaaladda Madaxdiisa ee COLUMBUS oo ay ku tartami doonaan dhalinyaro aad u da yar oo loo diyaarinaayo mustaqbalka.


Waxa kaloo halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomali_American Mudane Injineer Cumar Shekhey iyo Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Aweys Fuundi,waxayna labadooduba amaaneyn dadkii ka soo shaqeeyey oo ay ugu horeeyaan Tababarayaasha,waxayna kula dardaarmeen in la labanlaabo dadaalka lagu barbaarinaayo dhalaanka soo koraayo arrimaha Isboortiga.


Waxaana ugu Dambeyntii halkaa ka hadlay Dr. Cali Cusmaan Cali,Tim Richardson iyo Mike Spino oo marka hore amaanay shaqada la soo qabtay oo ah mid runtii ku fadhida ahmiyad aan la qiyaasi karin madaama ay si toos ah u taabaneyso mustaqbilka dhalinyaro Soomaaliyeed,waxay wax weyn ka tareysaa Waxbarashadooda,waxa caawineysaa caafimaadkooda,waxay ka weecineysaa wadiiqooyinka xun xun oo mustaqbilkooda wax yeeli karta ayey ku soo gabagabeeyeen iyago ay ka muuqato shucuur aad u sareysa,waxayna furitaankkii ku soo dhamaaday si farxad leh.

W/D Dr Ali

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line