• Atlanta oo diyaargarwo adag ugu jirta tartankii November 2013

Shir uu dhawaan isugu yimid Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta,Ciyaartoyda reer Atlanta,qaar ka tirsan Odayaasha Atlanta ayaa lagu qabtay Tuuladda Isboortiga ee Ku taal Magaaladda Atlanta oo uu dhawaan aasaasay Ciyaaryahan Axmed Diyeeshe,taa oo lagu fuliyo dhamaanTartamadda Isboorti oo uu Gudiga Isboortiga Abaabulo.


Waxa ugu horeentii halkaa ka hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Mudane Aweys Muuse Arbow oo lagu naaneyso AWEYS FUUNDI iyo Cabdulqaadir xasan Cadde oo isna lagu naaneyso CAYDIID JEENYO oo labaduba ka tirsanaa aasaasayaashii Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka muddo laga joogo illa iyo 13 sano,waxayna labaduuduba diiraadda saareen ahmiyadda loo unkay Gudigani oo aheyd in lagu barbaariyo Isboortiga dhalaanka soo koraayo isla markaana loo sameeyo aasaas xirfadeed oo u horseedi karta in mustaqbalka noqdaan kuwa bulshadda guul u soo hoyiya,waxa kaloo ay sheegeen Halyeeyadaan in ay caruurta ka bartaan aqoon aad u durugsan dhadhaqaaqa Isboortiga,sida Dulqaad,Kalsooni,Go'aan qaadasho,Xushmad iyo xurmo kuwaa oo runtii sameyn ku yeelan karta Mustaqbalkooda,waxay kaloo ay carabka ku dhufteen in sanadkaan Magaaladda Atlanta ay Martigelin doonto illa 7 Gobol oo ay ka imaan doonaan

Kooxo Kubadda Cagta ah iyo Kubadda Koleyga oo ay hogaaminaayaan Khubaro Isboortiga Soomaaliyeed iyo Kan addunkaba qiimo ku leh iyado la doonaayoo in Bulshada Reer Atlanta ay guntiga dhiisha isaga dhigto sidii aanu uga soo dhalaali laheyn xilka culus fulintiisa.
Wxa kaloo shirkaasi goob joog ka ahaa Xubnaha Gudiga Isboortiga iyo dhaqanka oo kala ahaa Mudane Cali Mataan,Jaamac Cali(Jaamacey)Maxamed Ismaaciil Tafare iyo Cabdirashiid Dheere oo gidigood u helan ka abaabulida Isboortiga fooda nagu soo hayso.


Waxa kaloo shirkaasi goob joo ka ahaa Xubin ka socotay Odayaasha Magaaladda Atlanta oo lagu Magacaabo CABDIMAALIK SH. MURSAL isagoo Guddiga Isboortiga ugu mahadceliyey shaqadii qiimaha laheyd oo ay u soo qabteen Bulshadda Reer Atlanta 12kii sano ee la soo dhaafay,isagoo kula dardaarmay in halkaa laga sii wado badbaadinta dhalaanka soo koraayo.
Ugu dambeyntii waxa halkaa ka hadlay Dr. Cali Cusmaan Cali Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka oo runtii u jeediyey amaan aan la koobi karin Xubnaha Guddiga Isboortiga oo runtii ka soo dhalaalay xilkii ay u qaadeen Ummadda Reer Atlanta,waxaana uu si gaar ah Mahad ugu celiyey Gudoomiyaha Somali-American Center Mudane MUDANE INJ. CUMAR A. SHEKHEY IYO XYBNAHA GUDIGIISA oo Guddiga Isboortiga ku garab istaagay fulinta Hawlahooda

waxaana mar kale ka codsaneynaa in halkooda ka sii wadaan dadaalka loogu jiro ka gun gaaridda hawlaha Isboortiga,waxa kaloo uu Gudoomiyaha Isboortiga Iyo Dhaqanka uu Mahad aan la koobi karin u jeediyey Milkilaha TUULADDA ISBOORTIGA EE ATLANTA MUDANE AXMED DIYEESHEoo fursad qaali ah siiyey Ciyaartoyda reer Atlanta ka dib markii uu unkay Garoonkaas quruxda badan,ugu dambeyntii waxaan hawadda u marinayaa Websaadyadda kala ah QARANIMO,GOOLFM,XIDDIGAHA,.
CAYAARO(SUNNI) IYO SOMALI YOUTHoo la'aantood aanan awoodneyn in aanu baahi waxqabadkeena,waxaana uu shirkii ku dhamaaday guul.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line