• Bana Ali oo xilkii 3-aad oo caalami ah loo Magacaabay

Waxaa xilkii 3-aad ee caalami ah loo Magacaabay Eng. Baana Abdalla Ali oo horey Xoghaye Guud ugu ahaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga, ka dib Warqad ka soo baxday Xiriirka Caalamiga ee Ciyaaraha Kubada Koleyga Wadamada Bariga iyo Bartamaha Africa ee[EAST CENTRAL AFRICA INTERCITY BASKETBALL COMMITTEE].
Ronnie Owino, Xoghayaha Guud ee Guddigaasi ayaa u Magacaabay Eng. Bana Abdalla Ali in uu yahay Madaxa Suuq-geynta iyo Warfaafinta ee Guddiga Tartamada Ciyaaraha Wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Xilkaan oo aan la shaacin waqtiga uu ku egyahay dhamaanshiyahiisa ayaa Noqoneesa Markii ugu horeesay ee loo dhiiba Shaqsi Soomaali ah inta la ogyahay Taariikhda, iyadoona sidoo kale Guddigaan uu yahay Markii ugu horeesay ee uu ku biiro Muwaadin Soomaaliyeed.
Eng. Bana Abdalla Ali oo Xubin Buuxda ka ah Guddiga Caalamiga ee FIBA AFRICA Zone V, ayaa xilligaan ah Madaxa Suuq-geynta Guddiga FIBA AFRICA Zone V, illaa iyo doorashooyinka Guddigaasi ee sanadka 2014.
Waxaa sidoo kale uu yahay Guddomiyaha doorashooyinja iyo Isgaarsiinta Wadamada dhaca Bariga Carabta ee ku jira Guddiga Caalamiga ah ee Xiriirka Kubada Koleyga Jaamacada Carabta.
Bahda Isboortiga Soomaaliyeed Qeybahooda kala gedisan ayaa si weyn usoo dhaweeyay xilkaan Cusub ee loo Magacaabay Eng. Bana Abdalla Ali, iyadoona uu Noqonayo Muwaadin Soomaaliyeed oo 3-xil ka haya Guddiyo Isboorti oo Caalami ah.

WAXAA SOO XIGTTAY
AHMED DINASH

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line