• Kooxda Daryeel Oo Isu Diyaarineysa House League

Kooxda dhalinta da'da yar ee Daryeel ayaa ka qeybgaleysa tartan kubadda cagta ah ee la magac baxay House League. Tartkan ayaa waxaa ka qeybgalayaa ciyaartooyda ay da'dooda u dhaxeyso 11 ilaa 13 jir.

Kooxda Daryeel ayaa waxaa la aas'aasay sannadkii 2003. Iyadoo markii hore lagu aas-aasay ilaa iyo 30 ciyaartooy oo da'dooda ay u dhaxeyso 8 ilaa 16 jir. Haddeer tirada ciyaartooydan ayaa waxay kor u dhaafeysaa 70 ciyaartooy oo da walb leh.

Kooxdan ayaa waxaa gacanta ku hayo Dahir M. Rage oo ku magac dheer Dahir Boodaye, oo isagu ahaa tababaraha xulka qaranka kubadda cagta iyo xiddigii hore ee kooxda Wagad iyo xulka qaranka Dahir Hassan Hussein (Marshale). Sidoo kale waxaa isagan gacan ka geystaa Sadiq oo wiilkiisa Zakriye uu ka mid yahay ciyaartooyda ugu xirfadda fiican ee kooxda.

Guddomiyha kooxda Cumar Warsame ayaa isaga goor kasta kooxdan la dul taagan hiil iyo hooba

Kooxda Daryeel ayaa sannad kasta waqtigan oo kale loo sameyaa xaflad loogu talo galay xeritaanka tababarka waqtiga qaboobaha (Winter) iyo furitaanka tababarka xagaaga (Summer).

Xafladda sannakan ayaa iyadu ka duwanayd kuwii sannadihii hore iyadoo loogu duceynaayey kooxda oo isu diyaarineysa House League

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

 

 



 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line