• Macallin Osman Bruno oo ku sii jeeda Soomaaliya

 Tababare Cismaan Cali Abanuur (Cismaan Bruno) oo ka mid ahaa tababarayashii ugu qaalisanaa ee soo mara dalka Soomaaliya iyo xulka qaranka ee wiilasha kubadda koleyga ayaa lagu wadaa inuu booqasho gaaban ku tago caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho , isaga oo halkaasi kula kulmi doona mas uuliyiinta xiriirka k/Koleyga, macallimiinta iyo ciyaartoydaba.
Macallin Cisman Bruno oo haatan ka mid ah macallimiinta xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha k/koleyga ayaa waxaa uu martiqaad rasmi ah ka helay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Mudane Cabdulahi Nur Maxamed Cadaani iyo xubnaha guddiga fulinta ee xiriirka, waxaana muddada uu joogo uu halkaasi ka bixin doonaa, aqoon kororsi kor loogu qaadayo aqoonta macallimiinta kubadda koleyga ee naadiyada, sidoo kale waxaa uu tababaro siin doonaa ciyaartooyda laga soo xulay naadiyada oo iyagu la doonayo in la qiimeeyo awodooda iyo xirfadda ay u leeyihiin k/koleyga. Sidoo kale waxaa uu macallinku u kuurgali doonaa ciyaartooyda u qalanta inay matalaan xulka qaranka ee wiilasha oo ay ciyaaro caalami ah ku soo fool leeyihiin.


Macallin Bruno ayaa isagu lagu xusuustaa , kaalintii wanaagsanayd ee uu ka soo qaatay xilligii uu u cayaarayay naadigii caanka ahaa ee Batroolka iyo xilligii uu u xuub siibtay dhinaca tababaranimada, kooxdii uu tababaraha u ahaa ee Wagad ayaa lagu xusuustaa muddo gaaban gudahood oo uu gacanta ku dhigay in ay guulo ku talaabsadeen iyaga oo wax la qaybsaday kooxihii waaweynaa ee markaasi dalka ka jiray sida: Muqdisho, Badda, jeenyo, Horseed, Somali fruit iyo ,Waxool .


Sidoo kale macallin Bruno waxaa lagu xusuustaa inuu soo saaray ciyaartooy yaryar oo aad u xirfad badnaa, kuwaasi oo ciyaarta k/koleyga ka gaaray ilaa heer qaran.
1990 kii ,Burburkii dalka ka dhacay dabadeed, macallin Bruno waxaa uu ku noolaa dalka Kenya, waxaana uu tababare u noqday kooxdii caanka ka noqotay guud ahaan dalka Kenya ee la oran jiray Co- Operative Bank oo iyadu dhawr jeer ku guulaysatay koobabkii dalka kenya , waxaana macallin Bruno aad looga tixgaliyaa dalka Kenya, oo ay aaminsan yihiin ciyaartooydoodu inuu ahaa aabihii soo kobciyay oo kor u soo qaaday kubadda Koleyga Kenya haddey noqon lahayd xagga aqoonta tababarayaasha iyo xirfadda ciyaartooyda intaba.
Macalin Bruno, marnaba ma uusan joojin halgankiisii kubadda koleyga, markii uu yimid dalka Canada waxaa uu qayb wayn ka qaatay tababarida dhallinyarada yaryar ee soo koraysa, isaga iyo saaxiibadiisa waxaa ay abuureen urur la magac baxay Ilamos oo ka shaqeeya horumarinta dhallinyarada Somaliyeed.
Haddaba macallin Bruno oo muddo 26 sano ugu dambaysay dalka Soomaaliya , ayaa ku noqoshadiisa dalka waxaa ay farxad wayn galin doontaa dhammaanba bahda isboortiga ee dalka gudahiisa iyo dibaddisa ku nool, waxaana rajaynaynaa in aqoontiisa K/Koleyga ay dad badan oo ku nool somaliya ay ka faai ‘daysan doonaan.
Shabadka xiddigaha.ca ayaad si jogto aha ugala socano kareysaa macallin Bruno iyo wixii ka soo kordha.

W/D Mohamed Busuri
Xiddigaha.ca

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line