• Cadday Oo Loo Magacaabay Xulka Qaranka Norway

Abdisalam Caddaay oo ku dhashay magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, dalka Somaliya sanadka markuu ahaa 1991 bishii shanaad kowdeeda, ayaa wuxuu nasiib u yeeshay in loo macaabo xulka qaranka dalka Norway.

Abdisalam isagoo yar ayuu tegay dalka Norway, isagoo u ciyaarayey koox yar oo la magac baxday FJELLHAMAR FK. Ina Caddaay isagoo 15jir ah ayaa loo magacaabay xulka qaranka da'da yar sanadka markuu ahaa 2006da. Abdisalam sanad ka dib waxaa soo iibsatay kooxda adduunka ugu lacagta badan ee MANCHESTER CITY FC.

Bishii hore dhamaadkeeda ayuu ka ciyaaray garoonka weyn ay leedahay kooxda Arsenal e EMIRATES STADIUM, halkaasi oo looga badiyey. Bishan bilawgeeda ayuu ciyaartii labaad ee Arsenal kula ciyaaray garoonka weyn ee Manchester City Stadium halkaasi oo uu ka dhaliyey goolkii barbardhaca ee kooxdiisa ay heshay.

8-da bishan May ayaa loo magacabay Abdisalam Abdulkadir Caddaay xulka qaranka dalka Norway ee 19jirada. Xulka ayaa ku ciyaari is reebreebka cayaaraha yurub, dalka Fransiska taariikhda marka ay tahay 18ka ilaa 24ka bishan.

Abdisalam waa wiil da'diisu ay aad u yar tahay intii uu xulka qaranka Norway ku jiray wuxuu u ciyaaray 25ciyaarood, halka uu xulkiisa u dhaliyey 5gool.

Intaa Caddaay wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe, sanadkan wuxuu wacdaro ka muujiyey cayaaraha dalka ingiriiska ka dhaca ee akadeemiga iyo reserve-ka Manchester city fc, isagoo u saxiixay 8 gool kooxdiisa. Abdisalaam Caddaay oo ka dhashay qoyska sport ayaa walaalkiisa ka weyn sanadkii tegay u ciyaaryey xulka qaranka somaliya, waa Abdirashid Abdulqadir Caddaay.

Aabaha Abdisalam waa Abdulkadir Ibrahim Cadaay wuxuu ahaa garsoore Caalami ee FIFA, ilaa iyo haddana wuxuu ka shaqeeyaa horumarka caruurta yar yar iyo sidii ay ugu soo biiri lahaayeen sportiga caalamka

 

W/D Cadulqadir Cadday



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line