• Cadare oo u awoog sheegtay Ganey

Tartankii Winter cup Toronto oo ku dhow gaba gabo ayaa ciyaarihii ugu dambeeyay waxaa todobaadkii hore foodda is daray kooxda Hall of fame ee u hogaaminaayey Cadere iyo Xiddigaha ee uu tababare u yahay Ganey.

Inkastoo ay labada kooxoodba ay aad isu weerareen, haddan dhamaan fursadihii ay heleen wey iska wada lumiyeen.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 0-0. Qeybtii labaad ayaa sidoo kale ay labadan kooxood ku wada qubeysteen goolashoodi.

Markii ay ciyaartu ka harsaneyd dhowr daqiiqo oo keliyo ayaa kooxda Hall of fame ay u suurta gashay iney dhaliso gool, sidaana ay 1-0 ku macsalameyso xiddigaha.

Ciyaartii labadaad waxaa wada ciyaaray Bakri media iyo UBK. Labadan kooxood oo aad moodo iney aad u kala awood badnayeen ayaa kooxda Bakri media ay 5-2 isaga reebtay UBK.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line