• Fadeexado(Scandal)Hadheeyey Naadiyada Talyaaniga

     

Saaxiibayaal barnaamijkeena ciyaaraha waxaynu maanta ku soo qaadaneyna fadeexadaha hadheeyey naadiyada serie-A-da iyo kuwa serie-B-da ee cariga Talyaaniga oo cirka isku shareerey.
\Haddaba Naadiyada Atlanta,Novara,iyo Siena ayaa waxay ka mid yihiin 22-tan kooxood oo ay baadhis ku socoto taas oo ah ciyaaro ama games la isu fuutiyey ama la isu deystey,waxaana lagaga dhawaajiyey maanta oo Arbaco ah.

Naadiyada kale ee uu magacaabey Italian Football Federation(FIGC) waxay kala yihiin Albinoleffe,Ancona,Ascole,Avesa,Crmonese,Empoli,Frosinone,GrossetoLivorno,Modena
Monza,Padova,Pescara,Piancenza,Ravenna,Reggina,Rimini,Sampdoria,iyo Spezia.
WAxa kale oo FIGC intaa ku dartey dad gaadhaya 61 iyo 33 ciyaarood(MACHES) iyana baadhitaan ayaa ku socda,oo aay ku jiraan 29 Naadi oo Serie-B-ah.

Akhyaartay sannadkii aynu soo dhaafney waxaa jeelka loo taxaabey dad gaadhaya 30-waxaana ka mid ahaa Kabtankii hore (Captain) ee Naadiga Atlanta Cristiano Doni iyo Kabtankii hore (Captain) ee Naadiga Lazio Giuseppe Signori.

Doni waxuu ka mid ahaa kuwii la magacaabey maanta oo Arbaco ah.
Waxa kale oo baxar ku jira oo la magacaabey ciyaaryahankii hore Piancenza Carlo Gervasoni iyo laacibkii hore Cisco Roma Alessandro Zamperini,waxayna labadan laacib ka mid ahaayee udub dhaxaadkii ka soo shaqeeyey fadeexaddan waxa kale oo ka mid ah ciyaaryahankii difaaca adkaa ee soo marey ama u soo ciyaaray Inter Milan,Parma,Roma,iyo Terana Luigi Sator.

Haddaba Saxiibayaal fadeexaddan weyn ka dhacdey naadiyada waaweyn ee carigaa Talyaaniga ayey cirka ula baxaysaa ciyaaryahano sumacad ku leh aduunka waxayna kasbadeen iney laaluush u boqolaal kun oo doolar qaataan ciyaartan siidaayaan iyo qaar kale oo sheegtey iney xanuusanayaan iyaga oo caafimaad qaba waxaana dacwadahan ku soo o0wgey (Prosecuters) Cremona.

W/D-Jaahuur-Ottawa
xiddigaha.com





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line