• C/qani Carabey halyeey meeqaam sare geeyey Isboortiska Puntland

Madaxda iyo shacabka Puntland ayaa siweyn uga mahad-naqay tallaabada hormarined ee uu ku tilabsadey guddoomiyaha kooxda heerka koobad ka ciyaarta Puntland ee Comsed Footbaal Club,C/qani Khalif Carabey kaddib ciyaaro saxaabin tinimo oo ay kooxda la soo ciyartay kooxaha hoorka koobad ee Soomaaliya,ciyaarahaso ka dhacay magaalada Muqdisho.



Ujeedada safarka kooxda Comsed Footbaal Club ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwo looga golaha in indha shacabka Soomaaliyed iyo kuwo ku nool Muqdisho ay qabtan hormarka Isboortid ee ka jira Puntland.



Kooxda Comsed Footbaal Club ee saldhiggedu yahay magaalada Gaalkacyo waxaa ay ciyaaro gudaha Muqdisho kula soo qaaten kooxha heerka koobad ee Soomaaliya ka ciyaaraha ee Elman iyo Dekaddaha waxaana xusid mudan in Comsed ay bar-bar dhac la gashey kooxda difaacanaysa horyaalka dalka, taaso lama filan ku noqotay dadka inta badan qeymeya ciyaaraha dalka maadaama koox ka dhisan Puntland ay awood uleedahay inay dhinac u rido ciyaartoy ka ciyaaraha xulka qaranka iyo horyaalka Soomaaliya.

"Puntland oo ah goob hormar ballaaran Isboortiska ka sameysay ayaan doonayna xilligaan inan indhaha caalamka,shacabka Soomaaliyed iyo xiriirka ciyaaraha Soomaaliyed an tusna,Comsedna waxaa ay ka mid tahay kooxda dalka awooda ciyaared leh,"ayuu horey uyiri guddoomiyaha kooxda Carabey.



Iyadoo taasi ay jirta ayaa haddana waxaa ay siweyn shacabka reer Puntland ay u cambaareyen ulana yaaben in mas'uul bulshada sharaf ku leh in aflagaado loo geesto iyo wux an u qalmin kaddib marki websit soo qorqay in guddoomiyaha naadiga Comsed Footbaal Club u 5000 oo doolar ku qaatay safarkii Mugdisho ay ku tageen naadiga Comsed,safarkaaso ahaa caasumad ay ka helen naadiyaasha heerka koowad ee Soomaaliya Dekadaha iyo Elman kaddib xirir ay wada yeesheen in aay martiqaadan naadiga Comsed markoodana aay Gaalkacyo ku marti qaadan,maadaama Isboortisku uu yahay is-dhexgalka bulshada.

" Isboortisku waxaa uu ka qeyb-qaata hormarka dhallinyarada wuxuu abuura dhallinyaro wuxuu keena nabadda taasna,waxaana arrinta daliil uu ah sida meeqamka sareysey ee Comsed loogus oo dhaweeyey Muqdisho,

Wax siyaasad ah luug kuma laheen mar walba waxan saxaafadda ka aragnay in ay muujiyeen meesha ay ka yimaadeen ee Puntland marka dadka ku haya mudane C/qani Carabey dhallinyarada wuxu qalday nidaamka Isboortiska waxaan ognahy Puntland Isboortiskeeda meesha u marayo in u aad u hooseeyo C/qani Carabey bulshada caalamka ku nool wuxuu tusay in Puntland ka jiraan teamam awood leh uguna horeeyso nadiga Comsed oo Mugdisho waacdaro ka dhiogeen kaddib markii ay la ciyaareen naadiyaal aad u xoog badan bareejana lagaleen naadiga horyaalka haasta ee Elman
oo aad looga baqo,"ayuu lugu yiri qoraal lugu cambaareynayey war lugu soo qaray shabakada Shabkamedia.

Qar ka mid ah shacaka Puntland ayaa iyagu dhankooda muujiyey dareenkoda, waxaana ay sheegen inay ka xunyihiin wixii lugu soo qoray wabsitka beenta qoray,iyagoona si cad u yiri"Mudane Guddoomiye C/qani Carabey waan ka raligalinayna arrinta"

Dhinaca kale qaar ka mid ah shacabka reer Puntland waxaa ay dhaliil xooggan u jeediyen agaasimaha Isboortiska Puntland, waxaan ay sheegen in u gabay shaqadii loo egmaday oo aheeyd in u hormariyo Isbortiska Puntland maalinti la doortay ayuu wadanka ka dhoofay muddo 7 bilood ayuu wadanka ka maqan yahay aaway wasaaraddi hormariin laheed Isboortiska marka soo macada in ay tashadaan nadiyasha Puntland haddi wax loo qaban wayay ugu danbeenti waxan u sheegeyna shaqsiyaadka ku haya Cabdiqani Carabey wu ku qaldana inuu hoggaamiyo nadiga Comsed Mugdisho waxaan dhahayna waxaad tihin dad aan rabiin hormarka Puntland

Abdiqani wuxuu uqalmaa wasiirka Puntland iyo agaasimaha Puntland waayo wuxuu sameeyay tariikh waa marki ugu horeysay naadi Puntland ah tago Mugdisho lana arko dhallinyarada xirfada leh ee reer Puntland"ayaa lugu yiri hadalka ka soo baxay qar ka mid ah shacabka Puntland oo dhaliilay warkii lugu soo qoray Shabkamedia.com.

Waa Qalinkii Jamaal Muxiidin.


 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line