• Casho Sharaf Loo Sameeyay Kooxda Dekadda

Wafdiga iyo ciyaartoyda ka socota Naadiga Isboortiga Dekedda Muqdisho ayaa xalay casho sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa u sameeyay Maareeyaha Dekedda Jabuuti Mr. Sacad Cumar Geelle, iyadoo casho sharaftaasi ay ka soo qeyb galeen madaxda wafdiga iyo ciyaartoyda Naadiyada labada Dekedood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Maareeyaha Dekedda Jabuuti Mr. Sacad Cumar Geelle ayaa kula dardaarmay ciyaartoyda Dekedda Muqdisho inay yihiin dad ka tarjumaya Isboortiga, isagoona sheegay in Isboortigu yahay aalada isku soo dhoweysa Ummadda, sidaasi daraadeedna waxa uu Maareyuhu ku booriyay inay ka shaqeeyaan sidii ummadda Soomaaliyeed isugu soo dhowaan lahayd.

“Ummadda Soomaaliyeed waa ummad walaalaheen ah, markastana waxaan ku soo dhoweyneynaa gacmo furan” ayuu yiri Maareeyaha Dekedda Mr. Sacad Cumar Gelle.

Intaasi kaddib waxaa hadalkii qaatay Agaasimaha Dekedda Muqdisho Mr. C/raxmaan Xuseen Cabdi (Kolly) oo ka mahad celiyay sida walaaltinimada leh ee wafdiga Dekedda Muqdisho loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti, wuxuuna Md. C/raxmaan Kolly sheegay inuu Maareeyaha Dekedda Jabuuti u gudbiyay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Maareeyaha Dekedda Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow, kaasi oo ku saabsanaa xiriirka labada Dekedood sidii kor loogu qaadi lahaa.

Dhinaca kale madaxda ka qeyb gashay xaflada casho sharafta ah waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Md. Aadan Xaaji YAbarow (Wiish), Xoghayaha Olombikada Soomaaliyeed C/llaahi Axmed Tarabi, Qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Jabuuti Md. C/raxmaan Maxamed Hiraabe, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga Ibraahim Xuseen Roombe, Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Jabuuti Axmed Raqaba, Xiriiriyaha labada dal C/Qani C/llaahi (Jeenyo) oo isagu aad uga shaqeeyay in ciyaarahan saaxibtinimo ay ka dhacaan dalka Jabuuti, Jeylaani Ducaale iyo marti sharaf kale.

Jabriil Mohamed Nur "Jabra"


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line